Al Shabaab oo dad rayid ah ku dilay gobolka Hiiraan.
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii iska horimaad hubeysan uu ka dhacay suuq ku yaalla deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in dhacdadu ay bilaabatay kaddib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay suuqa yimaadeen, iyagoo isku dayay inay hubka ka dhigaan nin hubeysan oo goobta ku sugnaa. Ninka ayaa la sheegay inuu diiday inuu hubka dhigo, taasoo sababtay inuu halkaasi ka qarxo iska horimaad iyo tacshiirad xooggan.
Rasaasta ayaa sababtay dhimashada shan qof iyo dhaawaca sagaal kale, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaalla deegaanka si loogu dabiibo.
Xaaladda deegaanka ayaa hadda lagu soo warramayaa inay deggan tahay, iyadoo aan weli wax war ah kasoo bixin Al-Shabaab oo ku saabsan iska horimaadka iyo khasaaraha ka dhashay.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli deegaanada gobolka Hiiraan ay ka socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo wada-shaqeynta bulshada deegaanka.
Maalmo kahor, odayaal ka tirsan beesha Xawaadle iyo Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gaareen heshiis lagu tilmaamay mid nabadeed, kaas oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro colaaddii u dhexeysay labada dhinac ee ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Heshiiska ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli gobolka Hiiraan ay ka socdaan dadaallo lagu doonayo in dib loo abaabulo howlgallo wadajir ah oo ay fulinayaan maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka.
Follow the story
About this article
- Length
- 233 words · 1 min read
- Published
- October 8, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir