Shariif: “Xasan Shiikh wuxuu rabaa inuu dhiigayga baneysto isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya..”
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo dhaliil culus u jeediyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuna eedeeyay inay waddo tallaabooyin siyaasadeed iyo amni oo uu sheegay inay dalka u horseedi karaan isku dhac iyo dhiig daata.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in muddo dheer ay mucaaradka iyo dowladda ka wada hadlayeen sidii loo heshiisiin lahaa dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashada dalka, balse uu sheegay in dadaalladaasi ay caqabad kala kulmeen waxa uu ku tilmaamay “nidaamka muddo-dhafka ah.”
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan ee xilligan loo baahan yahay ay tahay in dhinacyada siyaasadda ay marka hore ku heshiiyaan nooca doorashada dalka ka dhacaysa, habka loo qabanayo iyo shuruudaha tartanka, si doorashadu u noqoto mid caddaalad ah oo dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin.
“Waxa la rabaa in xoogga la saaro taas oo dadka la isu keeno oo laga heshiiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in qorshihii ahaa in bisha Oktoobar la qabto shir looga arrinsado arrimaha doorashada uu wajahay caqabado, isagoo ku eedeeyay dowladda inay waddo tallaabooyin sii kordhinaya xiisadda siyaasadeed.
Wuxuu si gaar ah u adeegsaday erayga “provocation”, isagoo ku tilmaamay waxa uu sheegay inay yihiin kicin iyo diyaar-garow dagaal oo uu sheegay in xukuumadda uu ku tilmaamay waqtigeedu dhammaaday ay la xiriirinayso mucaaradka.
“Caqabadahaas waxaa kamid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay kusoo qaadaan mucaaradka,” ayuu yiri.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xaaladda amni ee qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, isagoo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee halkaas ka dhashay ay sababeen dagaallo, wuxuuna ka digay in xaaladda noocaas ah lagu soo celiyo caasimadda Muqdisho.
“Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan u baahnayn in caasimadda lagu soo celiyo xaalad dagaal, isagoo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo heshiis.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay eedeymaha la xiriirinaya Imaaraadka Carabta, isagoo xaqiijiyay inuu dalkaasi deggan yahay, ayna u joogaan caruurtiisa iyo reerkiisa balse waxaauu sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aan loo adeegsan karin marmarsiiyo lagu qaado tallaabooyin ka dhan ah isaga ama siyaasiyiinta mucaaradka.
“Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya. Aniga Imaaraadka waan degganahay,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in joogitaankiisa dalka Imaaraadka uusan noqon karin sabab lagu xiriiriyo falal ka dhan ah dowladda Soomaaliya ama lagu sharciyeeyo tallaabooyin lagu waxyeelleynayo mucaaradka.
“Ma noqon karto asbaab lagu baneysto dhiigga dadka mucaaradka u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashana laga heshiiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in qofka ku baaqaya in Dastuurka la ixtiraamo, doorashada laga heshiiyo, isla markaana laga fogaado dagaal iyo dhiig daata aan loo adeegsan karin eedeymo la xiriira inuu dalka dhibaato u wado.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay habka loo adeegsanayo ciidamada iyo hay’adaha amniga, isagoo sheegay in ciidamada dowladda iyo hay’adaha amniga loo baahan yahay in loo adeegsado waajibaadkooda qaran, gaar ahaan la dagaallanka Al-Shabaab, halkii lagu dhex dari lahaa khilaafaadka siyaasadeed.
“Hubkii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo ayuu rabaa in Xasan Sheekh uu Muqdisho ku gubo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in ciidamada iyo hubka dowladda ay yihiin hanti qaran oo loogu talagalay difaaca shacabka iyo dalka, sidaas darteedna aysan habboonayn in loo adeegsado wax uu ku tilmaamay kicin siyaasadeed ama isku dhacyo gudaha ah.
Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer soo mareen dagaallo, burbur iyo dhibaatooyin badan, isla markaana ay hadda doonayaan dowlad leh hay’ado si dhab ah u shaqeeya, dastuurka iyo sharcigana ixtiraama.
Hadallada Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay dood siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashada, waqtiga doorashada, qaabka loo qabanayo iyo heshiiska ay tahay in dhinacyada siyaasadda ay ka gaaraan, iyadoo dhinacyada dowladda iyo mucaaradku ay weli ku kala aragti duwan yihiin arrimo muhiim ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 675 words · 3 min read
- Published
- October 7, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir