Calanka Soomaaliya oo ka dhex muuqday furitaanka Dakar 2026.
Calanka Soomaaliya ayaa ka dhex muuqday xafladdii furitaanka Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada ee Dakar 2026, oo Sabtidii lagu qabtay garoonka Abdoulaye Wade ee magaalada Diamniadio, Senegal. Tartankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee Olombik ah oo lagu qabto qaaradda Afrika.
Ciyaaraha oo soconaya 31-ka Oktoobar ilaa 13-ka Nofeembar 2026, waxaa ka qaybgalaya ku dhowaad 2,700 oo ciyaartoy oo da’doodu u dhexeyso 14 ilaa 17 sano, kuwaas oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah. Waxaa lagu tartamayaa 25 nooc oo ciyaaraha ah, iyadoo guud ahaan la bixinayo 153 billadood.
Soomaaliya waxaa tartanka ku matalaya feeryahan Xasan Anwar oo 17 jir ah, kaas oo ku tartamaya qaybta feerka ee miisaanka 50-ka kiilo.
Xasan oo ku soo barbaaray kuna soo tababartay magaalada Muqdisho ayaa fursad u helay inuu xirfaddiisa ku muujiyo fagaaraha caalamiga ah, isagoo tartanka ku matalaya magaca iyo calanka Soomaaliya.
Xasan, oo la hadlay Dawan ka hor safarkiisa, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay fursadda uu dalkiisa ugu matalayo tartan heer caalami ah. Waxa uu sheegay in ka qaybgalka tartanka laftiisu uu yahay guul muhiim ah, isagoo xusay inuu ku qanacsan yahay natiijo kasta oo uu ka gaaro.
“Berri ayaan baxayaa, ciyaaraha ayaan ka qaybgalayaa. Marka aan tartanka galo, guul iyo guuldarraba waan ku qanacsanahay,” ayuu yiri Xasan.
Tababaraha feeryahanka, Maxamed Axmed Cabdullaahi, ayaa sheegay in Xasan uu diyaar u yahay tartanka, kaddib muddo uu ku jiray tababar iyo diyaar-garow joogto ah.
Waxa uu sheegay in ujeeddadoodu tahay inay muujiyaan kartida iyo awoodda ciyaartoyda Soomaaliyeed marka ay la tartamayaan dhiggooda caalamka.
“Waxaan dadka tusaynaa cidda aan nahay,” ayuu yiri Maxamed Axmed Cabdullaahi, oo Xasan kula soo shaqeeyay tababarka xarunta Mecca Gym ee ku taalla waddada 4-aad, xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.
Mar la weydiiyay haddii ay jiraan feeryahanno ama dalal gaar ah oo ay jeclaan lahaayeen in Xasan uusan wajihin wareegyada hore ee tartanka, tababaruhu wuxuu sheegay in feeryahan dhab ahi uusan cid gaar ah ka cabsanayn.
Ka qaybgalka Xasan Anwar ee Dakar 2026 ayaa Soomaaliya u ah fursad ay ku muujiso kartida dhallinyaradeeda, isla markaana ay ku xoojiso joogitaankeeda tartamada ciyaaraha caalamiga ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 346 words · 2 min read
- Published
- November 1, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir