Soomaaliya oo u baahan taageero caalami ah si ay u ilaaliso amniga xeebaha.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero iyo iskaashi caalami ah si ay u xoojiso amniga xeebaha dalka oo dhererkoodu gaarayo ku dhowaad 3,400 oo kiiloomitir.
Wareysi uu siiyay Sky News, ayuu Madaxweynaha ku sheegay in baaxadda xeebaha Soomaaliya iyo awoodda hadda jirta ee ciidamada dalka aysan suuragelinayn in Soomaaliya kaligeed si buuxda u ilaaliso biyaha iyo xeebaha dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer ay wajahaysay caqabado amni oo ka dhashay dhul ballaaran oo aan si buuxda uga jirin maamul dowladeed oo wax ku ool ah, taas oo uu sheegay inay fursad siisay kooxaha argagixisada iyo burcad-badeedda inay ka howlgalaan qaybo ka mid ah dalka.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay soo noqoshada burcad-badeedda, isaga oo sheegay in dadaalladii caalamiga ahaa ee hore ay inta badan diiradda saareen joojinta weerarrada, balse aan si buuxda wax looga qaban sababaha dhulka ku saleysan ee keena burcad-badeednimada.
Wuxuu sheegay in burcad-badeeddu aysan ku koobnayn hawlgallada badda, balse ay leeyihiin shabakado iyo saldhigyo ku yaalla dhulka, sidaas darteedna xal waara uu u baahan yahay in wax laga qabto amniga, dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee deegaannada xeebaha.
Xasan Sheekh ayaa xusay in xoojinta ciidamada ilaalada xeebaha, sugidda amniga dhulka xeebaha iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada loogu beddelo ka qaybgalka falalka burcad-badeednimada ay muhiim u yihiin wax ka qabashada dhibaatada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in saboolnimada iyo shaqo la’aantu ay ka mid yihiin arrimaha dhalinyarada qaarkood ku riixa inay ku biiraan burcad-badeednimada, isaga oo xusay in dad Soomaali ah lagu qabtay falal burcad-badeednimo oo ka dhacay biyaha dalal kale.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan walaacyo la xiriira dib-u-soo-noqoshada weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara maraakiibta ganacsiga iyo amniga isu-socodka badda ee gobolka.
Follow the story
About this article
- Length
- 297 words · 1 min read
- Published
- November 1, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir