Soomaaliya ayaa ka qaybgalaysa Shirweynaha 12-aad ee Caalamiga ah ee Baarlamaaniinta Da’da Yar, oo ay soo qabanqaabisay Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), kaas oo ka socda magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan, 4 ilaa 6-da September 2026. Shirkan ayaa ah madasha gaarka ah ee IPU ay isugu keento baarlamaanka da’da yar ee...
Soomaaliya ayaa ka qaybgalaysa Shirweynaha 12-aad ee Caalamiga ah ee Baarlamaaniinta Da’da Yar, oo ay soo qabanqaabisay Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), kaas oo ka socda magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan, 4 ilaa 6-da September 2026.
Shirkan ayaa ah madasha gaarka ah ee IPU ay isugu keento baarlamaanka da’da yar ee dalalka kala duwan, iyadoo sanadkan ay ka qaybgalayaan ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka kala socda 50 dal.
Soomaaliya waxaa shirka ku metelaya Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi, oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ka qaybgalaya doodaha iyo kulamada diiradda lagu saarayo arrimaha muhiimka u ah jiilka da’da yar.
Ajandaha shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumar waara, nabadda iyo xoojinta doorka baarlamaannada ee wax ka qabashada caqabadaha haysta dhalinyarada dunida.
Intii uu khudbadda ka jeedinayay shirka, Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada loo abuuro fursado dhaqaale, shaqooyin wanaagsan, ganacsi iyo horumarinta xirfadaha, isaga oo tilmaamay in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta horumarka dhaqaale iyo bulsho.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in baarlamaannadu ay door muhiim ah ku leeyihiin dejinta shuruuc iyo siyaasado dhiirrigeliya shaqo-abuurka, hal-abuurka iyo ganacsiga dhalinyarada, horumarinta xirfadaha iyo kobaca dhaqaale ee loo dhan yahay.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta Hadafyada Horumarka Waara (SDGs), si dhalinyaradu uga qaybqaataan horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha mustaqbal waara.
Shirka oo halkudhiggiisu yahay “Dib u soo celinta xuquuqda aadanaha, caddaaladda iyo karaamada dhammaan dadka xilliyada qalalaasaha”, ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dhalinyarada loo siin lahaa kaalin buuxda oo ay kaga qaybqaataan go’aan qaadashada, siyaasadda iyo dadaallada horumarineed.
Ka qaybgalayaasha ayaa isku raacay in codka dhalinyarada loo baahan yahay in si weyn loogu daro go’aannada siyaasadeed iyo qorshayaasha horumarineed, maadaama ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah mustaqbalka dalalka.
Shirweynaha ayaa ugu dambeyn dib u xaqiijiyay sida ay baarlamaaniinta da’da yar uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumarinta nabadda, xoojinta caddaaladda iyo abuurista fursado wanaagsan oo dhalinyaradu ku gaari karaan mustaqbal nabdoon oo waara.