Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta degmada Doolow lagu xiray nin aad ugu dhow taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Shub, kaas oo looga shakisan yahay inuu xiriir la lahaa qaraxii maalmo ka hor ka dhacay guriga Jeneraalka.
Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Macalimeey ayaa lagu xiray Doolow, iyadoo sida ilo wareedyo xilkas ah ay sheegeen ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo xiriirka uu la lahaa dhacdada.
Macalimeey ayaa la sheegay inuu maalmo ka hor qaraxa ku sugnaa Muqdisho, balse uu weerarka kadib dib ugu laabtay Doolow. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay inuu booqday Jeneraal Shub oo dhaawac kasoo gaaray qaraxa lagu daweynayay.
Saraakiisha gacanta ku haya ninkan ayaa sheegay in loo xiray tuhun, iyadoo la gacanta ku hayo taleefannadiisa si loo baaro dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay, xiriirradii uu sameeyay iyo xogaha kale ee la xiriira dhacdada.
Qaraxa lagu beegsaday guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa dhacay 3-dii Sebtembar, waxaana dhacdadu dhalisay hadal-heyn iyo walaac xooggan, iyadoo ay kusoo beegantay xilli xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka taagan yihiin qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Dhanka kale, qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ee F-16 inay ka dambeeyeen weerarka. Eedeymahaas ayaan ilaa hadda lagu soo bandhigin caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaysa in diyaaradaha Turkiga ay ku lug lahaayeen dhacdada.
Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo akhriyay bayaan ay soo saareen xildhibaanno ku shiray Nairobi ayaa sheegay inay cambaareynayaan waxa uu ku tilmaamay isku day dil siyaasadeed oo lagu beegsaday Jeneraal Shub.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdada, iyadoo si cad u beenisay inay wax lug ah ku leedahay qaraxa.
Dowladdu waxay sheegtay in xogaha hordhaca ah ee hay’adaha ammaanka ay muujinayaan in qaraxyadu ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga, balse waxay xustay in baaritaanka rasmiga ah aan weli la soo gabagabeyn.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan madax-bannaan ku sameeya dhacdada, si loo ogaado sababta qaraxa iyo cidda ka dambeysay.