SANAAG: Duqaymo laga maqlay buuraleyda Calmadow.
By AyubSomalia
AI summary
Sign in to read the summary
Dhawaaqyo duqaymo culus ah ayaa saacado badan xalay laga maqlay buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, iyadoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan goobta la duqeeyay iyo cidda lala beegsaday.
Mareykanka ayaa sanadkan dhowr jeer duqaymo ka fuliyey deegaannada buuraleyda ah ee Calmadow iyo Calmiskaad, kuwaas oo lagu sheegay inay ka dhan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.
Ilaa hadda, ma cadda khasaaraha ka dhashay duqaymihii xalay ama kooxda si gaar ah loo bartilmaameedsaday. Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdada.
Follow the story
About this article
- Length
- 90 words · 1 min read
- Published
- September 17, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir