Maersk oo kordhinaysa kharashka konteenarrada Soomaaliya loo soo raro
Shirkadda maraakiibta ee Maersk ayaa ku dhawaaqday inay 7-da October dhaqan gelin doonto Peak Season Surcharge (PSS) oo lagu kordhinayo konteenarrada laga soo raro Waqooyiga Yurub iyo dalalka ku teedsan Mediterranean-ka ee loo wado Soomaaliya iyo Tanzania. Lacagta dheeraadka ah waxay noqon doontaa $200 konteenarka 20-foot ah, halka 40-foot iyo...
Shirkadda maraakiibta ee Maersk ayaa ku dhawaaqday inay 7-da October dhaqan gelin doonto Peak Season Surcharge (PSS) oo lagu kordhinayo konteenarrada laga soo raro Waqooyiga Yurub iyo dalalka ku teedsan Mediterranean-ka ee loo wado Soomaaliya iyo Tanzania.
Lacagta dheeraadka ah waxay noqon doontaa $200 konteenarka 20-foot ah, halka 40-foot iyo 45-foot lagu dari doono $300, iyadoo lacagtu sii jiri doonto ilaa amar dambe.
Kenya ayaa sidoo kale lagu dabaqi doonaa PSS, balse qiimuhu wuu ka hooseeyaa kan Soomaaliya. Konteenarka 20-foot ah waxaa lagu dari doonaa $150, halka 40-foot iyo 45-foot lagu dari doono $200.
Maersk ma aysan sheegin sabab gaar ah oo Soomaaliya iyo Tanzania loogu dabaqayo lacag ka badan Kenya. Shirkaddu waxay PSS ku tilmaantay kharash la xiriira xaaladaha suuqa, baahida boosaska maraakiibta iyo cadaadiska ku yimaada shabakadda gaadiidka.
PSS ma aha canshuur ama lacag ay dowladda Soomaaliya soo rogtay, balse waa kharash ganacsi oo Maersk ku darto qiimaha rarista. Kharashka cusub waxaa qaadi kara ganacsatada wax soo dejisa, ama qayb ka mid ah waxaa lagu dari karaa qiimaha badeecadaha, iyadoo ku xiran nooca iyo tirada xamuulka.
Go’aankan ayaa imanaya xilli Maersk ay sidoo kale bishan September ku soo rogtay $500 konteenarkiiba xamuulka Soomaaliya iyo dalal kale oo Bariga Afrika ah ee loo raro qaar ka mid ah Waqooyiga Yurub. Kordhinta kharashaadka rarista ayaa sidaas darteed cadaadis dheeraad ah ku keeni karta ganacsatada iyo qiimaha badeecadaha Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 228 words · 1 min read
- Published
- September 22, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir