Booliska Muqdisho oo ka hadlay wararka sheegaya xirista wadooyinka Muqdisho.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa caawa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegayay in maalinta berri ah la xirayo waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Taliska ayaa sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, isla markaana uusan jirin wax qorshe ah oo lagu hakad gelinayo isu socodka magaalada. Waxa uu bulshada uga digay inay rumaystaan ama faafiyaan xog aan la xaqiijin oo lagu baahiyo baraha bulshada iyo meelaha kale.
“Bulshada waxaa laga codsanayaa in aysan ku qaldamin wararka aan la xaqiijin ee lagu faafinayo baraha bulshada iyo meelaha kale, ayna ku tiirsanaadaan oo keliya xogta rasmiga ah ee ay soo saaraan hay’adaha amniga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Booliska ayaa sidoo kale caddeeyay in isu socodka guud ee magaalada Muqdisho uu si caadi ah u socdo, ayna jirin wax amar ah oo lagu xirayo waddooyinka waaweyn. Bulshada caasimadda ayaa lagu wargeliyay inay si caadi ah u wataan howlahooda maalinlaha ah.
Baaqan ayaa yimid kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in berri la xiri doono waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, taas oo walaac ku abuurtay qaar kamid ah bulshada caasimadda.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn bulshada ku booriyay inay iska ilaaliyaan faafinta iyo rumaysashada wararka aan la xaqiijin, ayna xogta la xiriirta amniga iyo isu socodka magaalada ka raadsadaan oo keliya ilaha rasmiga ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 221 words · 1 min read
- Published
- October 6, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir