Madaxweyne Cirro oo ka qayb galay xuska sanad guurada 33’aad ee asaaska ciidanka Booliska Somaliland
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝟑𝟑-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 33-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, Munaasibaddan oo lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha oo munaasibadda ka jeediyey khudbad leh shucuur iyo […]
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝟑𝟑-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 33-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, Munaasibaddan oo lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha oo munaasibadda ka jeediyey khudbad leh shucuur iyo dareen hoggaamiyenimo oo isugu jirtay mahad-naq, dhiirrigelin iyo guubaabo, waxa uu Ciidanka Booliska JSL si weyn ugu ammaanay shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka JSL iyo doorka taariikhiga ah ee Ciidanka Boolisku uu ku leeyahay ilaalinta nabadda, amniga, xasilloonida, kala dambaynta iyo ilaalinta nafta iyo hantida bulshada Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Ciidanka Booliska JSL ku bogaadiyey wax-qabadkooda muuqda iyo tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay ku tallaabsadeen xagga tayaynta iyo casriyeynta Ciidanka Booliska JSL.
Munaasabadda 33 guurada Aasaaska Ciidanka Booliska awgeed, Madaxweynaha JSL waxa uu xus, xasuus iyo ducoba u gudbiyey dhammaan halyeeyadii Ciidamada Booliska ee 33 kaas sano, ku geeriyooday gudashada waajibaadka Qaranka. Sidoo kale, waxa uu si gaar ah u xusay Taliyeyaashii iyo Madaxdii muddadaas dheer isaga dambeeyey hoggaaminta Ciidanka Booliska JSL oo mid kastaa hawsha uu qabtay sii xoojisay dhismaha Dawladnimada iyo adkaynta nabadgelyada, waxana uu yidhi:
“Abaal aan duugoobayn ayaynu u haynaa halyeyada dirayska u xidhay u adeegista dalkooda iyo dadkooda.”
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dulqaadka iyo naf-hurka Ciidanka Boolisku JSL ay ka mid yihiin sababaha hal-adayga iyo kalsoonida u kordhinaya Askariga Booliska ah, isaga oo xusay in aan mar keliya lagu hongoobin, Ciidanka Booliskuna waajibaadkii loo diray ay u guteen sidii ugu qurux iyo xirfadba badnayd, waxana uu yidhi:
“Ciidanka Boolisku waa udub dhexaadka Guusha aynu ka gaadhnay Nabadgelyada iyo Xasilloonida.”
Madaxweynuhu waxa uu xusay in nabadda iyo quruxda Dawladnimo ee ay shacabka Somaliland maanta haystaan ay ku timi iskaashiga iyo isku tashiga Dawladda iyo Shacabka JSL, ilaalinteeduna ay tahay waajib la wada leeyahay, waxana uu yidhi:
“Waxa aan u mahadnaqayaa muwaadiniinta qaybahooda kala duwan, culimada, ganacsatada, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada ee Ciidanka booliiska ku gacan siinaya gudashada waajibkooda.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in horumarinta Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL ay tahay
mudnaanaha ugu horreeya ee ay
Xukuumaddu leedahay, gaar ahaan dhinacyada kobcinta aqoonta, tababarrada, qalabka iyo Teknoolajiyadda casriga ah.
Madaxweynuhu waxa uu guud ahaan Ciidanka Booliska JSL kula dardaarmay in ay waajibaadkooda shaqo u gudataan si masuuliyad iyo xilkasnimo leh, iyaga oo dhawraya Dastuurka iyo Sharciga dalka, isla markaana ilaalinaya nolosha, hantida iyo sharafta muwaadiniinta JSL, waxana uu yidhi:
“Muwaadinku waxa uu inaga mudan yahay caddaalad, ilaalin, iyo xushmad, iyo haddii uu dembi galo in si sharciga waafaqsan loola dhaqmo, iyada oo aan loo eegayn aragtidiisa siyaasadeed, heerkiisa bulsho ama cidda uu ka soo jeedo.”
Follow the story
About this article
- Length
- 445 words · 2 min read
- Published
- November 3, 2026
- Byline
- Qaran News
- Source
- Qarannews