Iiraan oo hanjabaad hor leh jeedisay xilli Trump rajo muujiyey.
Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Akraminia, ayaa sheegay in haddii uu qarxo dagaal cusub, goobta colaadda aysan ku koobnaan doonin gobolka Galbeedka Aasiya.
Akraminia ayaa sheegay in xarumaha, qalabka, ciidamada iyo danaha Mareykanka, meel kasta oo ay ku yaallaan, ay noqon karaan bartilmaameedyo.
Isagoo ka hadlayay xoojinta diyaar-garowga milatari iyo dib-u-cusboonaysiinta liiska bartilmaameedyada, ayuu sheegay in dagaal cusub uu noqon karo mid “aad uga dheer” kii hore.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Iran ay muddo hore bilowday in ay istaraatiijiyaddeeda difaaca u beddesho mid weerar ku dhisan, taas oo uu sheegay inay si cad u muuqatay intii uu socday dagaalkii ugu dambeeyay.
Dhanka kale, bogga rasmiga ah ee Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu kulan la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, isagoo ku amray inay si “degdeg ah oo aan xuduud juqraafiyeed ku xirnayn” uga jawaabaan khatar kasta oo ka timaadda cadowga.
Waxaa sidoo kale laga soo xigtay in haddii Iran lagu qaado weerar cusub oo milatari ama mid “argagixiso”, ay Tehran go’aansan doonto waqtiga iyo shuruudaha lagu soo afjarayo colaadda.
Follow the story
About this article
- Length
- 180 words · 1 min read
- Published
- November 1, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir