Sidee Somaliland u saameynayaa Nidaamka IATA- BSP ee DFS la soo Wareegtay?
Soomaaliya ayaa toddobaadkan gaartey guul muhiim ah oo ah dhinaca duullimaayada hawada sare ka dib markii maareeyaha hayadda duulista Soomaaliya Axmed Macallin uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya la soo wareegtay nidaamka IATA- BSP kaasoo ah nidaamka isku xira shirkadaha iibiya tigidhada diyaaradaha iyo Nidaamka diyaaradaha Caalamiga ah.
Nidaamkan oo markii hore ahaa mid jira oo ai madax bannaan looga goosan jirey waddamada Caalamka, haddase waxa la soo wareegtay dawladda Soomaaliya oo u dhaxaynaysa diyaaradaha tigidhada laga doonayo iyo shirkaddaha jara tigidhada Caalamiga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda IATA ee Afrika iyo Bariga dhexe Kamil H Awadhi ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda oo Muqdisho ka dhacday.
Tusaale ahaan, haddii aad u baahan tahay in aad u dhoofto dalka Ingiriiska, Travel agency tigidhka kuu jarayaa waxa uu ku khasban yahay inuu dhex maro nidaamka ay Soomaaliya gacanta hadda ku hayso IATA.
Muxuu dhibaato ku keeni karaan dadka reer Somaliland?
Nidaamkani waa awood kale oo u soo korodhay dawladda Soomaaliya. Waana tallaabadii labaad ee Soomaaliya hirgeliso laba sano gudahood ka dib nidaamka E Visa oo ka dhan ah Somaliland. Waxay tani saamayn ku yeelan doontaa dhammaanba qof kasta oo ka duulaya Somaliland madax iyo shacaba.
Qofka doonaya inuu u baxo London ee ka safraya Hargeysa waxa uu ku khasbnaan doonaa inuu tigidkiisa ka sugo dhinaca Muqdiso halkii uu markii hore si Caalami ah u goosan jirey.
Xafiisyada tigidhada jara ee ku yaalla gudaha Somaliland, dhammaantood waxay iska diwaan gelin doonaan nidaamka ay Soomaaliya gacanta ku hayso, waxana laga qaadi doonaa dhaqaale si toos ah ugu dhacaya Soomaaliya oo aanay Somaliland waxba ku lahayn.
Soomaaliya maaddaama oo ay hadda hayso xogta qof kasta oo ka dhoofiyo Somaliland, waxay xaq u leedahay inay ka joojin karto qofkii ay doonto ee reer Somaliland ah, kii ay doontana u sii deyn karto safarka.
Ilaa hadda Wasaaradda duulista iyo Madaarada Somaliland wax war ah kama soo saarin awooddan ay gacanta ku dhigtay Soomaaliya. Ma jiro wax fal celin ah oo xukuumadda Somaliland ka samaysay tallaabadan ay qaadday Soomaaliya. Somaliland ayaa muddooyinkan cabasho ka qabtay arrinka Evisa ee Soomaaliya soo rogtay sannadkii hore.
Xukuumadda Somaliland waxay hore u sheegtay in ay ku guullaysatay xal u helista nidaamka E-visaha Soomaaliya balse taasi ma noqon mid run ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 370 words · 2 min read
- Published
- October 19, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir