Soomaaliya iyo Eritrea oo ka wada hadlay xaalada geeska Africa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kaas oo noqonaya kulan muhiim ah oo dhex mara labada hoggaamiye, xilli xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea uu muddo aan muuqan ahaa kadib xiisaddii ka dhalatay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ee 2024.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladaha iyo horumarrada ka socda gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida, iyadoo gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo isbeddelaya.
Kulankan ayaa dhacay xilli ay gobolka ka jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dalal dhowr ah, taas oo ka dhigaysa wada-hadallada madaxda gobolka kuwo muhiim u ah fahamka xaaladda iyo sidii loo heli lahaa iskaashi ku saleysan nabad iyo xasillooni.
Follow the story
About this article
- Length
- 134 words · 1 min read
- Published
- October 5, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir