Gudoomiye Jaamac & wafdi uu horkacayo oo gaaray Arusha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirar muhiim ah oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Baarlamaannada caalamka. Guddoomiyaha iyo...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirar muhiim ah oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Baarlamaannada caalamka.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa Arusha uga qeybgalaya Kulanka 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay ka qeybgalayaan guddoomiyeyaasha iyo madaxda baarlamaannada dalalka ku mideysan ururka EAC.
Kulanka ayaa fursad u ah madaxda baarlamaannada gobolka inay kaga wada hadlaan arrimaha la xiriira iskaashiga sharci-dejinta, xoojinta xiriirka baarlamaannada, horumarinta dimuqraadiyadda iyo doorka baarlamaannada ee arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha ee gobolka Bariga Afrika.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa magaalada Arusha uga qeybgalaya Shirka 153-aad ee Golaha Midowga Baarlamaannada Adduunka (Inter-Parliamentary Union – IPU), oo ah madal caalami ah oo ay ku mideysan yihiin baarlamaannada dalalka dunida.
Shirka IPU waxaa looga hadlaa arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga baarlamaannada, nabadda iyo amniga, horumar waara, dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha iyo sidii baarlamaannadu ugaalin muuqata uga qaadan lahaayeen wax ka qabashada caqabadaha horyaalla bulshada caalamka.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirarkan ayaa sidoo kale fursad u siinaya wafdiga Baarlamaanka Federaalka inuu la yeesho kulamo iyo wada-xaajoodyo ay la galaan madaxda baarlamaannada dalalka kale, iyadoo diiradda la saari karo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka gobolka iyo beesha caalamka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Arusha waxaa kusoo dhoweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo mas’uuliyiin kale.
Kulamada Arusha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay xubin firfircoon ka tahay dadaallada iskaashiga gobolka Bariga Afrika, iyadoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door ku leeyahay xoojinta xiriirka sharci-dejinta iyo iskaashiga hay’adaha baarlamaannada gobolka iyo kuwa caalamka.
Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ka qeybgalka shirarka EAC iyo IPU ayaa sidaas darteed ah fursad ay Soomaaliya ku soo bandhigi karto aragtideeda ku aaddan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, isla markaana lagu xoojin karo xiriirrada iyo iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaannada kale ee caalamka.
Follow the story
About this article
- Length
- 339 words · 2 min read
- Published
- October 1, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir