Masar oo mar kale xaqiijisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Dowladda Masar ayaa mar kale ku celisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qarannimada iyo midnimada dalka. Mowqifkan ayaa lagu xaqiijiyey kulan gaar ah oo ay magaalada Liibiya ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, […]
Dowladda Masar ayaa mar kale ku celisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qarannimada iyo midnimada dalka.
Mowqifkan ayaa lagu xaqiijiyey kulan gaar ah oo ay magaalada Liibiya ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Masar, Dr. Badr Cabdullaahi.
Labada wasiir ayaa kulanka kaga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyagoo sidoo kale diiradda saaray xaaladaha gobolka iyo arrimaha la xiriira ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya.
Masar ayaa kulankan ku adkeysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyadoo ka soo horjeesatay faragelin kasta ama tallaabooyin aan heshiis lagu ahayn oo wax u dhimi kara wadajirka dhuleed ee dalka.
Kulankan ayaa imaanaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka dhalatay tallaabada Israa’iil ay safiir ugu magacowday Somaliland, taas oo dowladda Federaalka Soomaaliya si adag uga hortimid, kuna tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 161 words · 1 min read
- Published
- November 8, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir