Soomaaliya oo 2027 qabanaysa doorasho qof iyo cod ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dalka sannadka 2027 laga qaban doono doorasho heer federaal ah oo ku saleysan nidaamka qof iyo cod, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada yeeshay, kaas oo lagu ansixiyay qaraarka taabbagelinta Dastuurka Soomaaliya.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dastuurka uu dhaqan yahay, isla markaana dowladda ay ku howlan tahay fulintiisa iyo diyaarinta hannaan doorasho oo shacabka awood u siinaya inay si toos ah codkooda ugu doortaan wakiilladooda heer federaal.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale guddi wasiirro ah u saaray dardargelinta fulinta Dastuurka, iyadoo guddiga loo igmaday inuu muddo labo bilood ah ku diyaariyo hindise-xeereedka dhismaha Xukuumadda, kaas oo qeexaya tirada iyo waajibaadka xubnaha Xukuumadda.
Qorshaha doorashada qof iyo cod ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka ay sheegtay inay sannadka soo socda u diyaar garoobeyso doorasho federaal ah, halka mucaaradka siyaasadeed ay horey u dalbadeen in doorashada lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu wada gaaraan.
Follow the story
About this article
- Length
- 166 words · 1 min read
- Published
- October 14, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir