Xildhibaan Dalxa: Dhib kuma qabo in Gen Indhacade madaxweyne ku xigeen ka noqdo KGS.
AI summary
Xildhibaan hore Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan isbeddellada siyaasadeed ee ka socda magaalada Baydhaba iyo kuwa la filayo inay ka dhacaan maamulkaasi.
Dalxa ayaa sidoo kale ka hadlay wararka maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in Koonfur Galbeed markii ugu horreysay yeelaneyso Madaxweyne Ku-xigeen, iyadoo xilkaasi loo wado in loo magacaabo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad, Indhacadde.
Prof. Dalxa ayaa sheegay inuu arkay dad ka walaacsan joogitaanka Jeneraal Indhacadde ee Baydhaba iyo wararka sheegaya inuu qabanayo xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Koonfur Galbeed, maadaama arrintaasi si weyn loogu faafiyay internet-ka.
Waxa uu sheegay inuusan wax dhib ah u arkin haddii Indhacadde loo magacaabo xilkaasi, isagoo xusay in dadka ka cabanaya arrintaas ay qabaan aragti ka duwan.
“Dadka qaylinaya ee leh Indhacadde ayaa jooga Baydhaba, waana naqaannaa, anigu waxaan u arkaa nin shaqsiyad xun. Madaxweyne Ku-xigeen haddii uu Koonfur Galbeed ka noqdo, wareer iguma hayo,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Baydhaba ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbeddello la xiriira maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale la hadal hayo qorshayaal cusub oo ku saabsan qaab-dhismeedka hoggaanka maamulkaasi.
Baydhaba ayaa sidoo kale waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay loollanka u dhexeeya Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Labada dhinac ayaa marar kala duwan isku khilaafay xaaladda siyaasadeed ee maamulka, iyadoo xiisaddaasi ay saameyn ku yeelatay amniga magaalada iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.
Wararka laga helayo Baydhaba ayaa sidoo kale sheegaya in xaaladda amni ay sii kacsan tahay, iyadoo dhawaan duqeymo xooggan laga soo sheegay agagaarka magaalada.
Follow the story
About this article
- Length
- 279 words · 1 min read
- Published
- September 17, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir