Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Xuutiyiinta
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku cambaaraysay weerar la fashiliyay oo la sheegay in Xuutiyiinta Yemen ku… Sii akhri
AI summary
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku cambaaraysay weerar la fashiliyay oo la sheegay in Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen magaalada barakeysan ee Maka.
War-saxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerarradii ay maalmo ka hor Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen saddex magaalo oo ku yaalla dalka Sacuudiga, kuwaas oo sababay dhaawac ilaa saddex qof oo shacab ah.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, taas oo ay tilmaantay in ay xaq u leedahay difaacida dalkeeda iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.
PUNTLAND POST
Follow the story
About this article
- Length
- 96 words · 1 min read
- Published
- September 17, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost