Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si adag u cambaaraysay duqeyn habeenkii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo Turkiga ku eedeysay inuu ka dambeeyay weerarka ay sheegtay in lagu beegsaday hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub”.
Jubaland ayaa sheegtay in weerarka loo adeegsaday diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Turkiga, iyadoo ku dooday in bartilmaameedka duqeyntu uu ahaa Jeneraal Shub oo xilligan si dhow loola xiriirinayo garabka siyaasadeed iyo ciidan ee taageera hoggaanka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland ayaa lagu sheegay in laba gantaal lagu weeraray guriga Jeneraal Shub, halka gantaal kale, sida Jubaland sheegtay, uu ku dhacay guriga guddoomiyaha degmada Doolow.
Jubaland waxay sheegtay in weerarka ay ku dhaawacmeen Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo afar qof oo rayid ah, inkastoo wararka hordhaca ah ee ka soo baxay Doolow ay siyaabo kala duwan uga warameen tirada dadka ku dhaawacmay iyo khasaaraha ka dhashay weerarka.
Maamulka Jubaland ayaa duqeynta ku tilmaamay “dambi dagaal”, isagoo sheegay in Doolow ay muddo dheer ahayd deegaan xasilloon oo ka fogaa falalka waaweyn ee amni-darrada.
Jubaland waxay sheegtay in weerarka lagu qaaday guri ay deganaayeen dad rayid ah, taas oo ay ku doodday inay kor u qaadaysa khatarta ku wajahan shacabka iyo hantidooda.
Maamulka ayaa sidoo kale ku baaqay in lala xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka ah weerarka, iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Dowladda Turkiga.
Jubaland waxay Ankara ku eedeysay inay awooddeeda militari u adeegsanayso mid ka mid ah dhinacyada ku loollamaya siyaasadda Soomaaliya.
Maamulka ayaa sheegay in haddii Turkigu adeegsado awooddiisa militari si uu u taageero dhinac siyaasadeed oo Soomaaliya ka mid ah, ay taasi dhaawacayso kalsoonidii laga qabay doorka Ankara ee Soomaaliya.
Si kastaba, eedeynta ah in diyaaradaha Turkiga ay fuliyeen duqeynta weli waxay u baahan tahay xaqiijin madax-bannaan iyo caddeyn rasmi ah oo ka timaadda dhinacyada ay khuseyso. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna war-saxaafadeedkeedii ugu dambeeyey ku sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdada Doolow, iyadoo sheegtay in xogaha horudhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxyadu ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay magacaabayso guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaraya sababta dhacdada, ujeeddada laga lahaa iyo cidda ka dambeysay.
Jubaland ayaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka iyo Midowga Yurub ugu baaqday inay si gaar ah u eegaan waxa ay ku tilmaantay “falalka aan caadiga ahayn ee Turkigu qaybta ka yahay” gudaha Soomaaliya.
Maamulka ayaa sidoo kale Qaramada Midoobay ka dalbaday inay dib u eegto go’aankii Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka, iyadoo ku doodday in hubka iyo awoodda militari loo baahan yahay in lagu aamini karo dowlad iyo hay’ado si masuuliyad leh u isticmaala.
Dooddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay haysato taageero militari oo muhiim ah oo ka timaadda Turkiga, oo ay ka mid yihiin tababar, qalab iyo iskaashi dhinaca amniga ah.
Duqeynta Doolow ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubaland uu marayo marxalad aad u xasaasi ah.
Khilaafka labada dhinac ayaa muddooyinkii dambe ku salaysnaa arrimo ay ka mid yihiin awood-qaybsiga, maamulka Gedo, doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Dhanka kale, xaaladda Koonfur Galbeed ayaa iyaduna sii cakirmaysa, iyadoo dagaallo iyo abaabul ciidan ay ka socdaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Jeneraal Mahad Shub ayaa hore u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, balse markii dambe xilka laga qaaday. Kadib waxaa soo baxay warar sheegaya inuu ku biiray ama taageeray xoogagga siyaasadeed iyo kuwa militari ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Jubaland waxay sheegtay in tallaabooyinka ay ku eedeysay Ankara ay dhaawici karaan doorka Turkiga ee mustaqbalka ee Soomaaliya.
Maamulka ayaa ku dooday in haddii Turkigu si cad ula safato dhinac ka mid ah dhinacyada siyaasadda isku haya, ay adkaan doonto in mar dambe loo arko dhexdhexaadiye ama dhinac lagu kalsoonaan karo oo ka shaqeeya xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Turkiga ayaa muddo dheer ahaa mid ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee Soomaaliya, isagoo door muuqda ku lahaa taageerada dowladda dhexe, tababarka ciidamada iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Dhacdada Doolow ayaa sidaas darteed yeelan karta saameyn ka baxsan goobta weerarku ka dhacay, gaar ahaan haddii baaritaannada dambe ay xaqiijiyaan cidda fulisay duqeynta iyo sababta loo bartilmaameedsaday guriga Jeneraal Shub.
Ilaa hadda, su’aasha ugu weyn ee taagan ayaa ah cidda dhab ahaan fulisay weerarka iyo waxa ahaa bartilmaameedka rasmiga ah, iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay baaritaan sameynayso, halka Jubaland ay si toos ah farta ugu fiiqday Turkiga.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA JUBBALAND
Follow the story