Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ka wada hadlay xaalada Geeska Africa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada Madaxweyne ay ka wada hadleen fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga labada dal.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta mashaariicda iskaashi ee labada dal, iyadoo la eegayo fursadaha cusub ee ka dhalan kara xiriirka Soomaaliya iyo Masar.
Kulanka ayaa ka dhacay iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Masar u joogo ka qeybgalka Madasha Ganacsiga Afrika ee Al-Calamayn, oo ay isugu yimaadeen madaxda iyo masuuliyiin ka kala socota dalal badan oo Afrikaan ah, si looga wada hadlo ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.
Follow the story
About this article
- Length
- 140 words · 1 min read
- Published
- October 3, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir