Xamse oo ka qeyb galay heshiiska Beelaha Guriceel & Balanbale (Sawirro)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay. Soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, maamulka degmada Balanballe, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu ku sugnaa Balanballe goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee dega degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kuwaas oo muddo sanado ah ay dhexmareysay colaad iyo khilaaf sababay dhimasho, dhaawac iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda ah.
Xaflad ballaaran oo lagu qabtay degmada Balanballe, ayaa waxaa ka qeybgalay bulshada labada dhinac, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhallinyarada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug. Waxaa goob joog ahaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah.
Labada Ugaas ee beelaha heshiiska gaaray, Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas Xasan, ayaa meel fagaare ah ku kala saxiixday heshiis ka kooban 8 qodob, kaas oo si rasmi ah loogu soo afjaray colaaddii muddada dheer ka dhex jirtay labada beelood.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in uu ka muuqdo gogosha nabadeed rabitaan dhab ah oo labada dhinac ay u qabaan in la gaaro heshiis waara. Wuxuu bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan heshiiska ay gaareen, isagoo xusay in haddii qof ama dhinac uu ku xadgudbo heshiiska, labada dhinac ay ku heshiiyeen in arrimaha ka dhasha lagu xalliyo Shareecada Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiska lagu caddeeyay in qofkii qof kale si ula kac ah u dilo lagu fulin doono qisaas, taasoo qeyb ka ah qodobbada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo nabadda iyo in laga hortago dib u soo noqoshada colaadda.
Xamsa Cabdi Barre ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo waafaqsan qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha “Soomaali Heshiis ah.” Wuxuu sheegay in nabadda laga gaaray labada deegaan ay horseedi karto xasillooni waarta, horumar dhaqaale iyo in shacabka si wanaagsan loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in colaadda iyo khilaafaadka beelaha ay caqabad ku yihiin horumarka bulshada, halka nabadda iyo heshiisku ay abuuraan fursado cusub oo lagu horumarin karo waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah.
Intii uu ku sugnaa degmada Balanballe, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale dhagax-dhigay iskuul loogu talagalay carruurtii ku agoontoobay colaadaha sanadaha badan ka jiray deegaanka, taasoo lagu tilmaamay tallaabo wax looga qabanayo saameyntii ay dagaalladu ku yeesheen carruurta iyo jiilka soo koraya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dhagax-dhigay Aqalka Nabadda iyo garoonka ciyaaraha degmada Balanballe, mashaariicdaas oo qeyb ka noqonaya dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo isku xirka bulshada deegaanka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tababar usoo xiray cutub ka tirsan Ciidanka Nabadda Sugidda, kuwaas oo lagu wado inay ku biiraan ciidamada amniga dalka, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanada Galmudug iyo guud ahaan dalka.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Balanballe ayaa ku soo dhammaatay iyadoo heshiiska labada beelood loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo colaad soo jiitamaysay sanado badan, isla markaana fursad cusub loogu abuurayo shacabka Balanballe iyo Guriceel inay dib u dhistaan kalsoonida, nabadda iyo wada noolaanshaha.
Follow the story
About this article
- Length
- 545 words · 3 min read
- Published
- October 5, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir