Afduub markab oo ka dhacay xeebaha Puntland
Koox Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay markab kalluumeysi ku afduubteen xeebaha degmada Banderbayla ee Badweynta Hindiya. Markabka… Sii akhri
Matalaad
Koox Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay markab kalluumeysi ku afduubteen xeebaha degmada Banderbayla ee Badweynta Hindiya.
Markabka oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa lagu magacaabaa Azini, waxaana la soo weriyay in koox hubeysan oo ka kooban 12 nin ay qafaasheen 29-ka Oktoobar 2026.
Markabka waxaa saarnaa 23 qof oo shaqaale ah, kuwaas oo 21 ka mid ah ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Iiraan, halka 2 kale ahaayeen Soomaali ilaalo ka ahayd markabka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in markabkan uu shati kalluumeysi ka haysto xukuumadda Puntland, islamarkaana uu wakiil ka yahay ganacsade ka soo jeeda Puntland.
Afduubkan wuxuu ku soo aaday, xilli Puntland dhawaan sheegtay in ay soo afjartay kooxihii Burcad-badeedda ee ka jiray xeebaheeda.
PUNTLAND POST
Follow the story
About this article
- Length
- 121 words · 1 min read
- Published
- October 31, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost