Xasan ShIIkh oo ka hadlay amniga, dagaalka Al-Shabaab & doorashooyinka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku soo qaaday dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada siyaasadeed, adkeynta midnimada dalka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa qorshayaasha dowladda ee la xiriira dhismaha hay’adaha dowladnimada iyo horumarinta nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dhanka amniga, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, isagoo diiradda saaray muhiimadda ay leedahay sii wadista dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale taabtay qorshaha dowladda ee ku aaddan horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo dowladda federaalku ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah ballaarinta ka-qaybgalka shacabka ee go’aan ka gaarista hoggaanka dalka.
Arrimaha siyaasadda, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadallada iyo is-afgaradka siyaasadeed, iyadoo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu maareeyo khilaafaadka jira, laguna xoojiyo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli dalka ay ka socdaan dooddo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, xiriirka dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadeed, iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowladnimada.
HOOS KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNAHA
Follow the story
About this article
- Length
- 215 words · 1 min read
- Published
- October 25, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir