1 min readBy Ayub
Miisaaniyadda Puntland oo Hoos u Dhacday 34% Laba Sano Gudahood.
By AyubSomalia
Puntland ayaa meelmarisay miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027 oo dhan $308.2 milyan, taas oo $7.6 milyan ama 2.4% ka yar miisaaniyaddii 2026 oo ahayd $315.8 milyan.
Miisaaniyadda Puntland ayaa si weyn hoos ugu dhacday tan iyo 2025, markaas oo ay ahayd $466.8 milyan. Sannadkii 2026 waxay hoos ugu dhacday $315.8 milyan, taas oo ka dhigan hoos-u-dhac dhan 32.4%.
Sidaas darteed, marka la barbar dhigo 2025, miisaaniyadda 2027 waxay hoos u dhacday ku dhowaad $158.6 milyan, oo u dhiganta 34%.
Hoos-u-dhaca ugu weyn wuxuu dhacay 2026, waxaana lala xiriiriyay yaraanshaha maalgelinta mashaariicda caalamiga ah. Miisaaniyadda 2027 ayaa Puntland sheegtay in lagu saleeyay kordhinta dakhliga gudaha iyo maaraynta kharashaadka.
Follow the story
About this article
- Length
- 107 words · 1 min read
- Published
- November 3, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir