Golaha Mustaqbalka oo baaq u diray madaxweyne Xasan Sheekh
Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu joojiyo doorashooyinka halka dhinac ah, kuna soo laabto miiska wadahadalka.
Waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadal dhab ah oo lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo jiheeya hannaan doorasho iyo jadwal macquul ah oo la hirgelin karo.
Sidoo kale waxay tilmaameen haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkaysto go’aankiisa in ay qaadi doonaan waddooyin kale oo dastuuri ah iyo kuwa siyaasadeed oo lagu ilaalinayo sida ay sheegeen xaqa shacabka ee doorashada hoggaan sharciyad leh.
Gloluhu wuxuu ugu baaqay saaxiibada beesha caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya in ay ka qaybqaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashooyin heshiis lagu yahay.
Hadalka Golaha Mustaqbalka wuxuu yimid, xilli maalmo ka hor ay Dowladda Federaalka ku dhawaaqday jadwalka doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.
Doorashada madaxweynaha ayaa la sheegay in ay dhaceyso 15-ka May 2027, halka tan labada aqal la tilmaamay in ay dhacayso 15- April 2027, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka.
PUNTLAND POST
Follow the story
About this article
- Length
- 171 words · 1 min read
- Published
- October 20, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost