Haaretz ayaa saaka baahisay warbixin xasaasi ah oo sheegaysa in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu qiyaastii 10 maalmood ka hor weerarkii 7-da Oktoobar helay digniin toos ah oo uga timid Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan (MBZ).
Sida warbixintu sheegtay, MBZ ayaa Netanyahu uga digay in hoggaamiyaha Hamas, Yahya Sinwar, uu diyaarinayay hawlgal weyn oo ka dhan ah Israel. Hase yeeshee, Netanyahu ayaa la sheegay inuusan digniintaas u gudbin madaxda hay’adaha amniga Israel.
Digniinta ayaa la sheegay inay ka dhalatay xiriir qarsoodi ah oo Israel iyo Hamas ay si hoose ugu wadahadlayeen xabbad-joojin ku-meel-gaar ah iyo is-weydaarsiga maxaabiis iyo meydadka la haysto intii lagu jiray 2023, iyadoo Netanyahu uu arrintaas ka warqabay, balse wada-hadallada dhowr jeer dib loo dhigay.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in markii Sinwar uu horraantii Sebtembar 2023 “la waayay”, uu isla marin-dhabbeedkaas qarsoodiga ah laba jeer ku diray digniin ah in Hamas ay diyaarinayso waxa uu ku tilmaamay “zilzal”, oo macnaheedu yahay “dhulgariir”.
Digniinta ayaa la sheegay inay gaartay Shin Bet 15-kii Sebtembar, taasoo sababtay shirar amni oo dhacay 17-kii Sebtembar iyo 1-dii Oktoobar, balse aan laga qaadin tallaabooyin wax-ku-ool ah oo ka hortagi kara weerarka.
Warbixintu sidoo kale waxay sheegtay in maalmo yar kadib weerarkii 7-da Oktoobar, Hamas ay soo bandhigtay dalabyo hore oo lagu sii daynayo dhammaan dadka rayidka ah ee la haystay, iyadoo loo marayo shabakad uu xiriir la lahaa Mohammed Dahlan. Waxaa sidoo kale jiray dadaal dhexdhexaadin ah oo Qatar ay u gudbisay madaxa Mossad, balse labada hindise midkoodna Israel si dhab ah uma qaadan ama way diiday.
Sida warbixintu tilmaamayso, hoggaanka siyaasadeed iyo militariga Israel ayaa mudnaanta saaray burburinta Hamas, halkii ay xoogga saari lahaayeen wada-xaajood iyo sii-daynta dadka la haysto.