Golaha Amniga Qaranka Israel ayaa Somaliland ku daray Heerka 4-aad ee digniinta safarka, kaas oo ah heerka ugu sarreeya ee nidaamka digniinaha safarka ee Israel. Heerkan wuxuu ka dhigan yahay in muwaadiniinta Israel laga mamnuucay inay u safraan Somaliland, halka dadka Israel u dhashay ee horey ugu sugan gudaha Somaliland...
Golaha Amniga Qaranka Israel ayaa Somaliland ku daray Heerka 4-aad ee digniinta safarka, kaas oo ah heerka ugu sarreeya ee nidaamka digniinaha safarka ee Israel.
Heerkan wuxuu ka dhigan yahay in muwaadiniinta Israel laga mamnuucay inay u safraan Somaliland, halka dadka Israel u dhashay ee horey ugu sugan gudaha Somaliland lagu boorinayo inay si degdeg ah uga baxaan.
Golaha Amniga Qaranka Israel ayaa sidoo kale muwaadiniintiisa uga digay inay galaan ama maraan goobaha lagu soo rogay Level 4, xitaa haddii ay yihiin meel ay transit ahaan u sii marayaan.
Go’aankan ayaa Somaliland gelinaya qaybta meelaha Israel ay u aragto inay leeyihiin khatar amni oo aad u sarreysa, iyadoo digniinta noocan ah ay muujinayso in dowladda Israel aysan ku talinayn joogitaan ama safar loo maro halkaas.
Arrintan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama Somaliland ay xilliyadii u dambeeyay si weyn u muujisay soo dhoweyn, saaxiibtinimo iyo taageero ay u hayso Israel, iyadoo xitaa munaasabado iyo fagaarayaal lagu arkay calanka Israel.
Inkasta oo Somaliland ay Israel u muujisay soo dhaweyn iyo xiriir diblomaasiyadeed oo diirran, haddana go’aanka Level 4 wuxuu muujinayaa farqi weyn oo u dhexeeya sida Somaliland u aragto xiriirka iyo sida Israel u qiimeyso xaaladda amni ee Somaliland.
Digniinta ayaa sidaas darteed dhalisay su’aalo ku saabsan heerka khatarta amni ee Israel u aragto Somaliland iyo sababta dhulka ay Somaliland u soo dhaweysay Israel loogu daray meelaha ugu khatarta badan ee safarka.
Follow the story