Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimo la xiriira Isreal, Xuutiyiinta iyo Al Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, khatarta Xuutiyiinta ee Badda Cas iyo dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ee Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay khalkhal geliyaan xasilloonida gobolka, isla markaana ay carqaladeeyaan maraakiibta mara Bab al-Mandab. Waxa uu sidoo kale sheegay in Maraykanku weli yahay saaxiibka ugu awoodda badan Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan joogin magaalooyinka waaweyn, isla markaana aysan awood u lahayn inay mar kale la wareegto Soomaaliya oo dhan.
Dhanka Somaliland, Madaxweynaha ayaa sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig badeed ka sameysato Berbera iyo inay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaalada. Waxa uu sheegay in ujeeddada dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ay tahay inay u dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan, isagoo sidoo kale sheegay in dadka Somaliland ay ka soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil.
Qaar ka mid ah arrimaha uu Madaxweynaha ka hadlay waxay ku saabsan yihiin xaaladda istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, xilli gobolka uu wajahayo xiisado amni oo sii kordhaya.
Follow the story
About this article
- Length
- 170 words · 1 min read
- Published
- October 3, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir