Masar oo isu diyaarinaysa ciidamo ay ka howlgeliyaan Soomaaliya
Kooxo farsamo oo milatari oo ka socda Masar, kana kooban la-taliyeyaal, tababarayaal iyo saraakiil, ayaa la sheegay inay diyaarinayaan qorshaha ciidamo Masaarida ah oo la geeyo Soomaaliya, tallaabadaas oo qayb ka ah iskaashiga difaac iyo amni ee labada dal. Sida ay baahisay warbaahinta The New Arab, ciidamada la filayo in...
Kooxo farsamo oo milatari oo ka socda Masar, kana kooban la-taliyeyaal, tababarayaal iyo saraakiil, ayaa la sheegay inay diyaarinayaan qorshaha ciidamo Masaarida ah oo la geeyo Soomaaliya, tallaabadaas oo qayb ka ah iskaashiga difaac iyo amni ee labada dal.
Sida ay baahisay warbaahinta The New Arab, ciidamada la filayo in Masar ay Soomaaliya keento ayaa la qorsheynayaa inay ka howlgalaan gudaha howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo iskaashiga milatari ee labada dowladood. Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay soo diri doonto.
Ciidamada ayaa la sheegay in la dejin doono deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo horey ugu yaallay garoonka diyaaradaha ee Cisiley.
Diyaargarowgan ayaa imaanaya kaddib markii wafdi milatari oo Masaarida ah uu 20-kii Sebtembar booqday Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Kulamada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga difaaca, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Masar ayaa xoojisay xiriirka milatari iyo kan diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, kaddib markii labada dal ay sannadkii 2024 kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac, halka xiriirkoodana 2025 loo dallacsiiyay iskaashi istaraatiiji ah.
Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa sheegaya in joogitaanka milatari ee Masar uu Soomaaliya ka caawin karo xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab. Si kastaba, guusha iskaashiga ayaa ku xirnaan doonta isku-duwidda hay’adaha Soomaaliyeed iyo ilaalinta madaxbannaanida dalka.
Tallaabadan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha Geeska Afrika, gaar ahaan khilaafka Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo damaca Itoobiya ee marin-badeedka Badda Cas.
Follow the story
About this article
- Length
- 252 words · 1 min read
- Published
- October 10, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir