Turkiga oo sarkaal cusub u magacaabay ciidamada badda Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa sarkaal ka tirsan ciidankeeda badda u magacawday inuu noqdo u-qaybsanaha milatariga ee qaabilsan arrimaha ciidamada badda, kana howlgala Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Gaashaanle Dhexe Faatix Maxamed Önal, oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabayo xilkiisa cusub. Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in […]
AI summary
Dowladda Turkiga ayaa sarkaal ka tirsan ciidankeeda badda u magacawday inuu noqdo u-qaybsanaha milatariga ee qaabilsan arrimaha ciidamada badda, kana howlgala Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Gaashaanle Dhexe Faatix Maxamed Önal, oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabayo xilkiisa cusub.
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in magacaabistan ay qayb ka tahay iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dib-u-dhiska Ciidamada Badda Soomaaliya, tababarka ciidanka iyo xoojinta awooddooda hawlgal.
Safaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada horumarinta Ciidamada Badda Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa barnaamijyo tababar, dib-u-habayn iyo taageero lagu xoojinayo awoodda hawlgal iyo mid hay’adeed ee ciidamada.
Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Turkiga ay sii xoojinayaan iskaashigooda dhanka difaaca, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo tayeynta ciidamada badda iyo cirka Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 138 words · 1 min read
- Published
- November 2, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir