SCAA oo beenisay wararka sheegaya in la xirayo Garoonka Aadan Cadde
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay in aysan waxba iska beddelin howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo duulimaadyadii iman jiray garoonkana ay si caadi ah u shaqeynayaan. Hay’addu waxay si cad u beenisay wararka dhowaan la faafiyay ee sheegaya in Garoonka Aadan Cadde la...
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay in aysan waxba iska beddelin howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo duulimaadyadii iman jiray garoonkana ay si caadi ah u shaqeynayaan.
Hay’addu waxay si cad u beenisay wararka dhowaan la faafiyay ee sheegaya in Garoonka Aadan Cadde la xirayo maalmaha soo socda.
SCAA ayaa shacabka ku boorrisay inay xogta saxda ah ee ku saabsan duulimaadyada iyo howlaha garoomada dalka ka helaan oo keliya baraha rasmiga ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Follow the story
About this article
- Length
- 83 words · 1 min read
- Published
- October 5, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir