Soomaaliya oo wax-ka-beddel ku sameeyay Sharciga Bangiga Dhexe.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in wax-ka-beddel lagu sameeyay Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo awoodda Bangiga, dib loogu soo celinayo kalsoonida lacagta dalka, laguna xasilinayo sarifka Shilinka Soomaaliga. Wasiirka ayaa sheegay in dib-u-eegista sharciga ay ka dhalatay baahida loo qabo in la casriyeeyo nidaamka maamulka lacagta qaranka, kaddib […]
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in wax-ka-beddel lagu sameeyay Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo awoodda Bangiga, dib loogu soo celinayo kalsoonida lacagta dalka, laguna xasilinayo sarifka Shilinka Soomaaliga.
Wasiirka ayaa sheegay in dib-u-eegista sharciga ay ka dhalatay baahida loo qabo in la casriyeeyo nidaamka maamulka lacagta qaranka, kaddib in ka badan 38 sano oo aan dib-u-habayn lagu samayn lacagta Soomaaliga.
Waxa uu sheegay in qodobada cusub ay ka mid yihiin nidaamka Currency Board, oo uu tilmaamay inuu door ka qaadan doono xasilinta Shilinka Soomaaliga, xakamaynta sicir-bararka iyo maamulka kaydka lacagaha qalaad.
Sidoo kale, wax-ka-beddelka ayaa qeexaya raasamaalka Bangiga Dhexe, kaas oo gaari kara ilaa 50 milyan oo dollar, halka raasamaalka bilowga ah looga baahan yahay ugu yaraan 10 milyan oo dollar.
Wasiirka ayaa sheegay in dib-u-eegista lagu sameeyay sharciga ay keentay 9 qodob oo cusub, 13 qodob oo wax laga beddelay, 30 qodob oo la saxay iyo 9 qodob oo gebi ahaanba laga saaray.
Waxa uu xusay in diyaarinta wax-ka-beddelka lagala tashaday khubaro Soomaaliyeed iyo hay’ado maaliyadeed oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.
Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaannada ka codsaday inay si qoto dheer uga doodaan wax-ka-beddelka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay Bangi Dhexe oo leh awood sharciyeed iyo madax-bannaani uu si hufan ugu guto waajibaadkiisa, isla markaana ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha dalka.
Follow the story
About this article
- Length
- 233 words · 1 min read
- Published
- October 31, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir