Ciidan Maraykanka oo mudo ka dib ka baxay saldhiga Balidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib in ka badan 14 sano oo ay saldhiggaas u adeegsanayeen taageerada howlgallada militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa saldhigga laga raray dhammaadkii bishii Oktoobar 2026, waxaana loo wareejiyey goobo kale oo ka tirsan Soomaaliya, sida ay saraakiil Mareykan ah u xaqiijiyeen wargeyska Task & Purpose oo diiradda saara arrimaha difaaca iyo militeriga.
Sida ay saraakiishu sheegeen, ciidamada Mareykanka ayaa muddo dheer Baledoogle u adeegsanayey saldhig muhiim u ah hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan taageerada hawlgallada cirka, tababarka ciidamada Soomaaliyeed iyo isku-duwidda howlgalada amniga.
Saldhigga Baledoogle ayaa sidoo kale door muhiim ah ku lahaa taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah loo tababaray ee Danab, kuwaas oo Mareykanku muddo dheer ka taageerayey dhinacyada tababarka, qalabeynta iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in markii ciidamada ugu badan laga raray saldhigga ay halkaas ku hareen tiro kooban oo askar ah oo qaabilsanaa hawlaha tababarka. Hase yeeshee, ciidamadaas ayaa iyaguna dhammaadkii bishii Oktoobar gebi ahaanba isaga baxay saldhigga.
Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu isbeddel ku socdo qaab-dhismeedka iyo mas’uuliyadda amniga ee gobollada koonfureed ee Soomaaliya, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada militeri ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada dowladda ayaa dadaal ugu jira inay xoojiyaan awooddooda hawlgal, isla markaana si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadaha amni ee ay hore uga taageeri jireen ciidamada shisheeye, gaar ahaan meelaha ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Baledoogle ma la micno aha in Mareykanku gebi ahaanba isaga baxay Soomaaliya. Sida ay warbixintu tilmaamayso, ciidamada Mareykanka ayaa weli ku sugan goobo kale oo dalka ka tirsan, iyagoo sii wada taageerada dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Lama shaacin faahfaahin buuxda oo ku saabsan goobaha cusub ee la dejiyey ciidamada laga raray Baledoogle ama isbeddelka uu tallaabadani ku yeelan doono taageerada militeri ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 333 words · 2 min read
- Published
- November 8, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir