Ciidanka xoogga dalka oo ku sii dhawaanaya Buurhakaba.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad howlgallo ka wada gobolka Baay, gaar ahaan deegaannada iyo waddada isku xirta Yaaqbariweyne iyo Buurhakaba, kaddib markii dowladda ay Sabtidii gobolka u dirtay kolonyo gaadiid militari ah oo tiro badan.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada ayaa yimid kaddib markii ciidamo taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay toddobaadkii hore la wareegeen degmada Buurhakaba, iyadoo warar ay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay taageero siiyeen ciidamadan.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa hore u sheegay in la qorsheynayo in dib looga qabsado Buurhakaba iyo deegaanno kale oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Laftagareen.
Kolonyada ciidamada ayaa Sabtidii ka baxday degmada Wanlaweyn, waxaana ay sii martay Ballidoogle iyo Yaaqbariweyne, iyadoo ay ku jireen gaadiid gaashaaman oo ciidamada qaada, gaadiid xamuul oo sida askar iyo sahay, iyo gaadiid ay ku rakiban yihiin hub culus.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay aroornimadii Sabtida arkeen kolonyo dheer oo muddo saacado ah ku socotay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay ku ururayay waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Wanlaweyn, halkaas oo ay horey uga dhaceen iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Dhanka kale, warbaahinta ku dhow Al-Shabaab ayaa Sabtidii sheegtay in gaari militari lagu waxyeelleeyay, askarina lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay waddada Muqdisho iyo Afgooye. Sheegashadaas ayaan helin xaqiijin madax-bannaan.
Howlgallada ka socda jidka Yaaqbariweyne iyo Buurhakaba ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda ay isku diyaarinayaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Laftagareen ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Baay. Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta howlgallada socda.
Follow the story
About this article
- Length
- 262 words · 1 min read
- Published
- October 25, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir