Xamse oo daah-furay Nidaamka Caalamiga ee Tigidhada Diyaaradaha IATA-BSP
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib-u-soo celinta Nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dib usoo celinta nidaamkan ay ka dhalatay dadaal dheer, dib-u-habeyn hey’adeed, diyaarinta xeerar, siyaasado […]
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib-u-soo celinta Nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dib usoo celinta nidaamkan ay ka dhalatay dadaal dheer, dib-u-habeyn hey’adeed, diyaarinta xeerar, siyaasado iyo tababbaridda shaqaale awood u leh in ay la wareegaan masuuliyadaha maamulka hawada, isaga oo xusay in ay Soomaaliya horumar ka samaysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, deyn-cafinta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo la— wareegista amniga Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in isku-xirka hey’adaha dowladda iyo dib u dhiska awoodaha Qaranka ay laf-dhabar u yihiin soo kabashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkeennu leeyahay fursado maalgashi oo waaweyn oo ay ka mid yihiin dhinaca Gaadiidka, Beeraha iyo wax-soo-saarka kala duwan ee ka jira dalka, maadama uu dalkeennu ku yaalo aag istaraatiiji ah oo isku xiraya dhammaan qaaradaha dunida.
“Waxa aan ugu hambalyaynayaa bulshada Soomaaliyeed tallaabadan weyn ee aynu maanta qaadnay, waxaa naga go’an in lasii horumariyo oo la tayeeyo hey’adaha Qaranka. Waxa aan hubaa in aynu gaari doono dunida horumartay ee aynu dib-uga harnay 30-ka sano. Dowladda Soomaaliyeed waxa ka go’an in dalkeennu uu ku tallaabsado horumar baaxad leh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Gaadiidka, Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in la dardargeliyo horumarinta iyo tayeynta garoomada diyaaradaha, maamulka hawada dalka iyo adeegyada duulimaadyada , si kor loogu qaado tayada adeegga ay heelaan shacabka iyo Shirkadaha diyaaradaha, loona xaqiijiyo isku-xirnanta Soomaaliya iyo dunida.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Follow the story
About this article
- Length
- 274 words · 1 min read
- Published
- October 18, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir