Madaxweyne Cirro oo la kulmay Senator Cruz
AI summary
Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa la kulmay Senator Cruz. Qoraal uu madaxweunahu uu ku baahiyay baraha buldhada waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan
Waxa aan Washington, D.C., kulan muhiim ah kula yeeshay Senator-ka Gobolka Texas, Ted Cruz. Waxa aanu ka wada hadalnay dedaalka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, xoojinta xidhiidhka istiraatijiyadeed ee Somaliland iyo Maraykanka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo ballaadhinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxaan Senator Cruz si weyn uga mahadceliyey taageeradiisa joogtada ah iyo sida uu ugu ololeeyo qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Somaliland waxay diyaar u tahay inay Maraykanka la dhisto iskaashi waara oo aan ku dhisnayn samafal ama ku-tiirsanaan, balse ku salaysan dano wadaag, kalsooni, is-qaddarin iyo ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka.
Follow the story
About this article
- Length
- 120 words · 1 min read
- Published
- September 19, 2026
- Byline
- Qaran News
- Source
- Qarannews