Dillaaca foolkaanaha Anak Krakatau ayaa sababay in la joojiyo duullimaadyadii garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka Indonesia, taas oo keentay inay xayirmaan tobanaan kun oo rakaab ah.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in la baajiyay 209 duullimaad ka dib markii hawada laga dhex helay dambas foolkaano oo u dhow garoonka Soekarno-Hatta ee magaalada Jakarta, subaxnimadii Axadda.
Foolkaanaha ayaa bilaabay inuu dillaaco habeenkii Jimcaha, waxaana laba jeer oo kale uu dillaacay subaxnimadii hore ee Axadda.
In ka badan 22,000 oo qof ayaa saameyn ku yeelatay joojinta duullimaadyada, kuwaas oo badankoodu ku wajahnaa ama ka imaanayay Singapore, iyo sidoo kale Doha, Sydney iyo Kuala Lumpur.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inaan la soo saarin digniin ku saabsan mowjado waaweyn oo badda ka kaca (tsunami) oo la xiriira dhaqdhaqaaqa foolkaanaha, kaas oo ku yaalla marinka Sunda ee u dhexeeya jasiiradaha Java iyo Sumatra.
Wasiirka Caafimaadka ayaa ku boorriyay dadka ku nool meelaha ay saameyntu gaartay inay guryahooda joogaan oo ay xirtaan af-saar (mask) si ay naftooda uga ilaaliyaan dhibaatada dambaska uu u geysan karo hab-dhiska neefsashada, indhaha iyo maqaarka.
Dhaqdhaqaaqa foolkaanaha ayaa sidoo kale sababay in dugsiyo qaarkood ay joojiyaan hawlahooda, kalluumeysataduna ay baajiyaan safarrada badda, ka dib markii dadku ay ka cabteen cuncun indhaha ah oo ka dhashay dambaska.
Anak Krakatau, oo macnaheedu yahay “Ilmihii Krakatoa”, ayaa dillaacay sanadkii 2018-kii, isagoo sababay mowjado tsunami ah oo dilay in ka badan 400 oo qof oo ku sugnaa xeebaha Sumatra iyo Java.
Follow the story