Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo sheegay inuusan ammaan ku dareemayn Muqdisho.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay inuusan ammaan ku dareemayn caasimadda Muqdisho, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday inuu ciidamo gaaraya 300 askari kala baxo xarunta Maxkamadda Sare.
Baashe oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa diiday xilka qaadistiisa, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu faragelin ku hayo madax-bannaanida garsoorka iyo awoodaha hay’adaha dowladda. Wuxuu sheegay inuusan difaaceyn xilkiisa balse uu difaacayo sharciga.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galay dhaarinta guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Ibraahim Iidle Suleymaan, oo uu xilka u magacaabay 4-tii November, kaddib markii uu xilka ka qaaday Baashe.
Khilaafka ayaa sii xoogeysanaya kaddib markii Maxkamadda Sare ay 5-tii November sharci-darro ku tilmaantay xilka qaadista Baashe, iyadoo sheegtay in madaxweynuhu uusan awood u lahayn inuu kaligiis xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda.
Maxkamaddu waxay sidoo kale xukuntay in muddo-xileedka madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May, halka kan baarlamaanka uu ku ekaa 14-kii April, iyadoo dhinacyada siyaasadda siisay 30 maalmood inay ku heshiiyaan hannaan doorasho.
Hase yeeshee, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa diiday go’aanka maxkamadda, isagoo ku dooday inuusan lahayn awood sharciyeed, halka qareenka madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in xeer ilaaliyuhu uusan awood u lahayn inuu laalo go’aan ay gaartay Maxkamadda Sare.
Dowladda Federaalka ayaa weli ku adkeysanaysa in wax-ka-beddelka dastuurka uu u oggolaanayo hay’adaha dowladda inay xilka sii hayaan ilaa May 2027, taas oo sii murjinaysa khilaafka dastuuriga ah ee dalka.
Follow the story
About this article
- Length
- 233 words · 1 min read
- Published
- November 8, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir