Soomaaliya oo soo saartay hab raac cusub oo guurka ku saabsan.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraac cusub oo lagu nidaaminayo fulinta iyo diiwaangelinta guurka dalka.
Habraaca cusub ayaa dhigaya in guurka ay si rasmi ah u fulin karaan oo keliya garsoore ama ma’duun si sharci ah uga diiwaangashan dowladda, iyadoo sidoo kale la nidaaminayo diiwaangelinta, tababarka, rukhsad-siinta iyo kormeerka ma’duunnada.
Wasaaradda ayaa sheegtay in habraacan looga gol leeyahay in la helo hannaan sharci ah oo lagu xaqiijiyo guurka, lagana hortago caqabadaha ka dhasha nidaam la’aanta iyo dacwadaha la xiriira arrimaha guurka.
Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ilaalinta sirta iyo xogta shakhsiga ah ee la xiriirta guurka, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay u hoggaansamaan habraaca cusub.
Wasaaradda ayaa garsoorka, wasaaradaha caddaaladda ee dowlad-goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha kale ee ay khusayso ugu baaqday inay xoojiyaan wada-shaqaynta, si loo hirgeliyo nidaamka cusub loona yareeyo caqabadaha ka jira arrimaha guurka.
Follow the story
About this article
- Length
- 148 words · 1 min read
- Published
- October 22, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir