Uganda oo xooggan ciidankeeda uga saaraysa Soomaaliya.
Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa bilaabay inay si tartiib-tartiib ah uga baxaan dalka, iyadoo qorshuhu yahay in bixitaankooda si buuxda loo soo gabagabeeyo dhammaadka sannadka 2027, sida uu sheegay Afhayeenka Ku-meel-gaarka ah ee Ciidanka Uganda, Col. Chris Magezi. Ciidamada bilaabay bixitaanka ayaa intooda badan ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay qayb […]
Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa bilaabay inay si tartiib-tartiib ah uga baxaan dalka, iyadoo qorshuhu yahay in bixitaankooda si buuxda loo soo gabagabeeyo dhammaadka sannadka 2027, sida uu sheegay Afhayeenka Ku-meel-gaarka ah ee Ciidanka Uganda, Col. Chris Magezi.
Ciidamada bilaabay bixitaanka ayaa intooda badan ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay qayb ka ahaayeen ciidamada mas’uulka ka ah amniga degmooyinka Baraawe, Marka, Buulo Mareer, Janaale, Qoryooley iyo deegaano kale.
Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga ayaa loo kala qaybiyey laba qeybood. Qayb ayaa dalka ku joogta howlgalka Midowga Afrika ee haysta oggolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, halka qayb kalena ay ku joogto heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.
Uganda ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu dalka ku sugnaayeen muddo ku dhow 20 sano. Intii ay howlgallada ka socdeen Soomaaliya, Uganda waxaa ka dhintay saraakiil iyo askar, halka ciidamada qaar lagu eedeeyey tacaddiyo ka dhan ah shacabka. Sidoo kale, saraakiil Ugandese ah ayaa hore loogu soo oogay dacwado la xiriira musuqmaasuq iyo lunsashada shidaal iyo sahay ciidan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay si tartiib ah ula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo Midowga Afrika uu taageeray qorshaha lagu wareejinayo amniga ciidamada Soomaaliyeed marka ay soo idlaadaan howlgallada ciidamada shisheeye. Qaar ka mid ah saldhigyada iyo xeryaha ciidamada Midowga Afrika ayaa horey loogu wareejiyey ciidamada Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 231 words · 1 min read
- Published
- November 3, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir