1 min readBy Desk
Dagaal maalintii saddexaad ka socda Mooyaale
By DeskSomalia
Magaalada Mooyaale oo ku taalla xuduuda Itoobiya iyo Kenya ayaa maalintii saddexaad waxaa ka socda dagaal culus oo u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.
Dagaalka maanta wuxuu ka bilowday gudaha magaalada, iyada oo ciidamada Oromada ay dabaqyada ku rakibteen qoryaha, waxaana labada dhinac ku kala sugan yihiin dhinacyada laamiyada.
Shacabka Soomaalida ayaa weli is difaacaya, waxaana barakacay dad badan oo ku noolaa magaalada, kuwaas oo gudbay dhanka Kenya.
Dowladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Soomaalida ayaa weli ka hadlin dagaalka magaalada Mooyaale oo ah magaalo ganacsi oo istiraatiijiya.
**PUNTLAND POST **
Follow the story
About this article
- Length
- 88 words · 1 min read
- Published
- October 24, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost