Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu soo kordhiyay dhismayaal cusub.
Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Sakariye Yuusuf Xuseen, ayaa xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo qayb ka ah qorshaha dib-u-habaynta iyo casriyeynta Villa Somalia. Dhismayaasha la furay waxaa ka mid ah astaanta Madaxtooyada iyo dhismayaal kale oo lagu horumarinayo bilicda iyo muuqaalka guud ee xarunta. Sakariye ayaa bogaadiyey shaqaalaha iyo farsamayaqaannada ka qayb qaatay […]
Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Sakariye Yuusuf Xuseen, ayaa xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo qayb ka ah qorshaha dib-u-habaynta iyo casriyeynta Villa Somalia.
Dhismayaasha la furay waxaa ka mid ah astaanta Madaxtooyada iyo dhismayaal kale oo lagu horumarinayo bilicda iyo muuqaalka guud ee xarunta.
Sakariye ayaa bogaadiyey shaqaalaha iyo farsamayaqaannada ka qayb qaatay hirgelinta mashruuca, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta xarumaha dowladda.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo Villa Somalia, oo ah xarunta ugu sarreysa hoggaanka iyo maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 87 words · 1 min read
- Published
- October 18, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir