Nin hubaysan oo dad ku laayay magaalada Garoowe
Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalana waa ku dhaawacantay, kaddib markii maanta qof hubaysan u rasaas ku furay dad… Sii akhri
Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalana waa ku dhaawacantay, kaddib markii maanta qof hubaysan u rasaas ku furay dad ku sugnaa goob ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Dhacdadan ayaa ka dhacday goob birta lagu tumo oo ku taalla suuqa Inji ee magaalada Garoowe, waxaana goobta ka baxsaday ninkii falka gaystay.
Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Baafe, kaas oo la sheegay in uu ahaa nin waayeen ah. Dadka dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo hadda lagu tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Laamaha amniga magaalada Garoowe ayaa weli ka hadlin dhacdadan oo aan weli si rasmi ah loo ogayn waxa sababay.
PUNTLAND POST
Follow the story
About this article
- Length
- 109 words · 1 min read
- Published
- October 11, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost