Somaliland oo xabsiga dhigaysa madaxda Shirkadaha Korontada ee Hargaysa.
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hortimid qiimo-kordhin ay sameeyeen shirkadaha korontada, iyadoo shacabka lagu wargeliyay in aysan bixin wax ka badan $0.59 halkii kilowatt-saac, oo ahaa qiimihii hore. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Ciidanka Booliska loo gudbiyay waaranno lagu soo qabanayo masuuliyiinta shirkadaha korontada ee lagu eedeeyay inay kordhiyeen qiimaha korontada, iyadoo aan la helin […]
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hortimid qiimo-kordhin ay sameeyeen shirkadaha korontada, iyadoo shacabka lagu wargeliyay in aysan bixin wax ka badan $0.59 halkii kilowatt-saac, oo ahaa qiimihii hore.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Ciidanka Booliska loo gudbiyay waaranno lagu soo qabanayo masuuliyiinta shirkadaha korontada ee lagu eedeeyay inay kordhiyeen qiimaha korontada, iyadoo aan la helin oggolaanshaha xukuumadda.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii shirkadaha korontadu ay kordhiyeen qiimaha adeegga, taasoo xukuumaddu sheegtay inaysan waafaqsanayn qiimaha rasmiga ah ee loo dejiyay.
Booliska Somaliland ayaa la filayaa inay goor dhow faahfaahin ka bixiyaan arrintan iyo tallaabada laga qaaday masuuliyiinta shirkadaha korontada.
Follow the story
About this article
- Length
- 98 words · 1 min read
- Published
- November 2, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir