Maxay Somalia ku soo bandhigtay Madasha (WIF 2026) ee Doha?
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa ka qayb galay dood heer sare ah oo qayb ka ahayd Madasha 9-aad ee Maalgashiga Adduunka (WIF 2026), taas oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Dooddan ayaa diiradda lagu saaray doorka uu ganacsiga gaarka loo leeyahay ku leeyahay maalgelinta horumarinta dalalka soo koraya, iyadoo la falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladaha, maalgashadayaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, si loo helo maalgelin wax ku ool ah oo taageerta kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara.
Wasiiru Dowlaha ayaa madasha ka jeediyay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in dalka uu leeyahay fursado maalgashi oo sii kobcaya, gaar ahaan xilli ay socdaan dadaallada lagu xoojinayo dib-u-dhiska dhaqaalaha, horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo abuurista jawi ku habboon ganacsiga.
Cali Balcad ayaa xusay in dhammaystirka hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya uu dalka u abuuray fursado cusub oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgelinta. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay Sharciga cusub ee Maalgashiga, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maalgashiga iyo dhiirrigelinta maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay maalgelin taageerta horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta wax-soo-saarka, ballaarinta ganacsiga iyo abuurista fursado shaqo. Waxa uu adkeeyay in ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay uu door muhiim ah ka qaadan karo dadaallada lagu dardargelinayo horumarka dalka.
Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga lala leeyahay maalgashadayaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, si loo abaabulo ilo maalgelin oo wax ku ool ah, kuwaas oo gacan ka geysan kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Maalgashiga Adduunka ee Dooxa ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka loogu soo bandhigayo fursadaha dhaqaale iyo maalgashi, iyadoo la raadinayo iskaashi caalami ah oo taageera qorshayaasha horumarinta qaranka.
Madasha Maalgashiga Adduunka ayaa isu keenta dowlado, hay’ado maaliyadeed, maalgashadayaal iyo wakiillo ka socda ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay uga wada hadlaan caqabadaha iyo fursadaha la xiriira maalgelinta horumarinta, gaar ahaan dalalka soo koraya.
Follow the story
About this article
- Length
- 362 words · 2 min read
- Published
- October 27, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir