Aqoonyahan Cabdikariim Aw Raali Oo ka warbixiyay Taarikh Nololeedkiisii iyo aasaaskii ururkii UFO
AI summary
Waa kulan Aqoon iyo waayo aragnimo badan watay oo aanu wadaagnay Xildhibaan hore C/kariim Aw raali,
Dadka aan garanahayn C/kariim waxaan u soo raaciyay intan yar ee kooban oo aan ka qoray illaa 10 sanno ka hor maraan jigjiga ku kulanay anigoo waliba aan xusin Taariikhdiisii SNM iyo marxalado kale oo xiligaa aanu ku talagalin faafintooda.
Waa kuma Xildhibaan hore C/kariin Aw Raali?
Taariikh nololeed kooban.
(Taariikh nololeedka C/kariin laguma soo koobi karo maqaalkan oo kale, laakiin kulan yar oo aan la qaatay kadib ayaan jeclaysatay inaan si dulmar ah idiinku soo gudbiyo qaybo kamida noloshiisa iyo waxqabadkiisa)
Magacaciisu waa Abdulkarim Aw Axmed Guuleed, wuxuu ku caanyahay INA AW RAALI.
Waxa dhalay Aw Raali oo badi gayiga Soomaalida caanka ahaa, siiba Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Wuxuu ku dhashay Deegaanka soomaalida Ethiopia gaar ahaan waqooyiga Degmada Daroor sanad lagu qiyaaso 1940 kii, waxaanu la dhashay 5 wiil iyo 3 gabdhood.
WAXBARASHADIISII HOOSE
Waxbarashadiisa wuxuu ka bilaabay Quraanka, waxaanu ka bilaabay Deegaanka XAADAW oo ka tirsan deegaanka Jigjiga.
Dugsigiisii Hoose, Dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay Caasimada dalka Ethiopia ee Adiis Ababa, waxa xusid mudan C/kariin Aw Raali inuu Dugsigiisii dhexe uu kaalinta 1 aad u galay Ethiopia oo dhan.
Sidoo kale Dugsigiisii sarena kaalmaha hore ayuu ka galay.
JAAMACADDIISII 1 AAD.
Kadib markii uu kaalmaha hore galay Dugsigiisii sare waxa Qaadatay oo waxbarasho bilaasha (scholarship) siisay jaamacadii ugu meeqaamka saraysay xilligaa Africa oo ku taalay Harar Ethiopia oo la odhan jiray HAILE SELASIE MILITARY ACADEMY.
Sidaas ayuu C/karim Aw Raali ku noqday military kamaan_dawsa kuna qaatay xidigtii 1 aad, 2 aad iyo darajooyin kale oo ciidan, kadib markii uu ka soo baxay jaamacadii military_ga 1965 kii darajo fiican oo ciidanna la siiyay wuxuu noqday madaxa machadka Tobabarka ciidanka military_ga ee HOLETA, sidoo kale wuxuu hogaan ciidanno kala duwan ka noqday xilliyadaa galbeedka Ethiopia, isagoo ka aag badashay dagaaladii Soomaalida iyo Oromadu kula jireen Ethiopia xilligaa.
JAAMACADIISII 2 AAD (Master_tiisii)
C/kariin Aw Raali markale waxa uu u tartamay imtixaan uu qaaday wadanka GERMANY oo markaa awood badan oo ciidan iyo mid siyaasadeedba caalamka ku lahaa, imtixaankaa wuxuu ka qaaday Jarmalku military_ga wadannada 3 Qaaradood oo Aduunkaa oo kala ahaa AFRICA, ASIA IYO LATIN AMERICA. Nasiib wanaag C/karim Aw Raali imtixaankaa uu Jarmalku qaaday wuxuu galay kaalinta 1aad ee saddexda qaaradood. Sidaa darteed waxa wasaaradii gaashaandiga ee dalka Ethiopia yimi safiirkii Jarmalka ee Ethiopia waxaanu Hanbalyeey guud ahaan wadanka, Taliyihii ciidanka military_ga Ethiopia iyo C/karim oo uu u sheegay inuu kaalintaa ku guulaystay wiig ka dibna loo qaadi doono Germany. “Subax hore ayaa lay yeedhay waxaana laygu yidhi waxa ku doonayaa Taliyihii military_ga, waan u imi anigoo dirayskaygii ku labisan waxaanu ii sheegay inaan maalmo kooban kadib aadi doono jaamacad jarmalkaa. Anigu markaa khayaali ayaan u haystaa oo ma rumaysni, passport degdaga ayaa lay amray wax yar kadibna waanu baxnay oo waxaanu raacnay diyaarad Talyaaniya illaa markay Masar uga kacday Jarmalkana maan rumaysan waayo waxa jiray markaa cadaadis xoogan oo ihoryaalay iyo dadka oo igu odhan jiray military_ga Ethiopia meel ka gaadhi maysid” sidaa waxa yidhi C/kariin Aw Raali.
Sidaas ayuu ku galay jaamacadiisii labaad ee MASTER_ta waxaanu diyaariyay BUSINESS ADMINISTRATION.
C/KARIIN AW RAALI isagoo ku jira jaamacadii ayuu dhacay inqilaabkii lagu afgambiyay boqor Haile Selasse. Maadaama oo uu wadanki shuuci noqdayna Ethiopia waxay dalbatay in loo soo celiyo saraakiishii Jarmalka wax ka baranayay laakiin C/kariin iyo saraakiishii kaleba way diideen waxaanay siiwateen waxbarashadoodii. C/karim markuu qorayay buugiisii qalinjabinta wuxuu tagay Soomaaliya sababtoo ah wuxuu qorayay mawduuciisii ahaa THE ECONOMY, LIVESTOCK, AND THE SOCIAL STATUS OF THE PASTORALISTS IN SOMALIA. Isla waqtigaasna wuxuu tagay dhakhtarka weyn ee hargaysa isagoo ku soo arkay qisooyin cajiiba iyo dayacnaan badan, sidoo kale wuxuu soo eegay xaalada qaxoontigii Soomaalida ee dagaaladii 1977 ee Somalia iyo Ethiopia oo daadsan kuna darxumaysan xeryo qaxoonti duleedka Hargaysa ku yaal. “Waxaan ku gaadhay go,aan adag sidii aan wax ugu qaban lahaa qaxoontigaa Soomaaliyeed ee maalin kasta dhimanaya iyo dhakhtarka weyn ee Hargaysa oo dhib badani ka jirto” waxa sidaa yidhi C/karim.
C/kariin Aw Raali wuxuu ku noqday Germany waxaanay u dhamaatay jaamacadiisii 2aad 1979 kii, waxaana qaadatay shirkadii caanka ahayd ee SIEMENS AG, oo ka mid ahayd shirkadaha ugu waawayn dalka Jarmalka xaruunteeda magaalada MUNICH, waxaanu ka baydhay fiilkii militariga.
Isla wakhtigaa uu ka shaqaynayay shirkadaa SIEMENS AG ayaa uu ku dhaqaaqay go,aankiisii ahaa wax u qabashada qaxoontigii Soomaaliyeed ee uu ku soo arkay duleedka Hargaysa iyo dhakhtarkii Hargaysa ee dayacnaa.
” Dadaal badan iyo dhibaatooyin kadib waxa C/karim u suurto gashay inay kulmaan dhakhtar Jarmala oo la odhan jiray DR RUPERT NEUDECK oo baryahaa aas aasay Haayad Jarmala oo qaxoontiga lagu caawiyo kuna bohoobeen dhakhaatiir Jarmali oo la odhan jiray G E D ( GERMAN EMERGENCY DOCTORS).
Dr RUPERT Kulanno dhaadheer, xogo ku saabsan xaalada qaxoontiga oo uu la wadaagay, wariyayaal loo diray xeryaha qaxoontiga iyo wasiirkii DALXIISKA ee Somalia MD MAXAMED CUMAR JEES oo uu u keenay kadib waxa uu la qaatay Dr ki C/kariin in si dhakhsaa loo caawiyo qaxoontigaa, waxaanu ka bilaabay Dr RUPERT inuu bangiga dalka Jarmalka ka amaahdo lacag dhan DM 500,000.00 oo lacagta Jarmalkaa isagoo u rahmay gurigiisii.
“Bishii May 1980 kii ayaanu soo fasax qaadanay aniga, Dr RUPERT, 4 dhakhtar oo kale iyo 3 nurse, waxaanu diyaarad xamuula ka soo gaxaysanay magaalada PARIS, waxaanan soo qaadnay daawooyin, cunto, bustayaal, taandhooyin, gaadhi Land-drover ah iyo waxyaalii kalee loo baahnaa. Markaa, waxaanu ka soo degnay Djibouti May 10/1980 isla maalintii xigtayna waxaanu u baxnay xaga Hargaysa, annagoo wadana alaabtii oo aanu 4 baabuur oo xamuula ku soo raray sidoo kale wadana gaadhigii Landrover ka ahaa.
May 13-keedii ayaanu magaalada Hargeysa goor fiid ah soo gallay. Waagi markuu beryey ayaanu dawladii raadsanay oo aanu u dhaqaaqnay dhinicii Xeradii Biyo Xidhka.
Maamulkiibaa noo yimid oo aanu wada sahaminnay meesha xarun caafimaad ku haboon. Degdegbaan ugu heshiinay halkii ugu habooneyd. Dhakhsaanu u bilawnay dhismihii teendhooyinka. Waxaanu dhisnay mid bukaanka carruurta, mid dumarka iyo mid ragga bukaanka ah la dhigi karo iyo mid bukaanka lagu baadho. Waxa kale oo aanu dhisnay laba teendhooyin oo aanu dhigannay kaydadka kala duwan. Gelinkii danbeba Dhakhaatiirti shaqadii bay bilaabeen. 4 dhakhtar iyo 3 nurse ah ayaan shaqada ku bilawnay oo wada ahaa khubaro waaweyn, muddo bil ahna way soo ruqsad qaateen.
Todobada subaxnimo ayaa shaqada la bilaabi jiray lixda galabnimana waanu ka noqon jirnay. Qadada shaqadaa loogu geyn jiray. DR. RUPERT NEUDECK, oo ahaa madaxii Haayadda ayaa wacay Germany si uu u ogaado sida loo arkay Programkii Gudigii sahanka ku yimid ka tuseen TV-gii Germanka, madaama aanu isweydaaranay oo aanaan is arkin. Xaskiisii oo uu lahadlay ayaa u sheegtay in muraara dilaac laga qaaday, maalintii u horaysayna lacag ka badan 5 million oo ah lacagta Jarmalka DM (DEUTCH-MARK) account-ka Haayadda lagu soo shubay. Aad ayuu ugu farxay arinkaa Dr RUPERT” C/kariin Aw Raali.
Waxa kale oo ay C/kariin Aw Raali iyo Dr RUPERT ay bilaabeen inay furaan 2 xero oo kale maadaamoo qaxoontigu badnaa, waxaanay fureen xeradii ADHI_CADAYS EE DACAR BUDHUQ IYO TII TOG_WAJAALE oo iyagana sidii tii BIYO XIDHKA ay uga shaqeeyeen,
18 cisho kadib waxa yimi safiirkii Somalia u fadhiyay Jarmalka iyo xildhibaano ka socda Jarmalka, waxay aad u amaaneen shaqada fiican ee ay hayaan iyo dadaalka ay sameeyeen sidoo kale waxay balanqaadeen C/karim oo fasaxii shirkadu siisay ka dhacayo inay Baarlamaanku shirkada ka codsandoonaan in fasaxa loo kordhiyo mushaharkiisana la siiyo.
Kadib markii hawshii xeryaha qaxoontigu hagaagtay shaqadina iskuugu duba dhacday DR RUPERT wuxuu ku noqday Germany, C/karim Aw Raalina wuxuu abaabulay dib u dhiskii, nadaafadii, iyo qalabayntii Dhakhtarka weyn ee Hargaysa, waa kan isagoo ka sheekaynaya hawsha dhakhtarka weyn “Gudoomiyaha Hayadda ayaan warbixin u qoray oo aan u sheegay baahida Hosbitaalka, isna wuxu isoo weydiiyey inaan Dhakhtar u xilsaaro inuu baahida Hosbitaalka oo idil soo qoro. Maadaama aan fursaddaan doonayey aan helay aniguna dhakhatiirtii oo idil ayaan shir u qabtay inay baahida Hosbitaalka oo tafa tiran qoraan si Hosbitaalka loo casriyeeyo.
Shan maalmood gudaheed ayaa lagu dhameeyey baahidii Hosbitaalka aniguna markiiba waan gudbiyey, Dr. Rupert Neudeck-na markiiba qalabkii oo idil ayu dalbay. Markuu ii sheegay inuu alaabtii dalbay ayaan ka codsay inuu nin dayactira dhinaca dhismaha, laydhka iyo biyahana uu soo diro. Taasna wuu sameeyey oo 3 nin oo dayactirka Hosbitaalka qaabilsan ayu ii soo diray anna nin waliba wuxuu qaban lahaa ayaan farta ka saaray. Isla maalintiiba wuxuu Hosbitaalku u baahnaa oo idil ayey soo qoreen aniguna isla maalintiiba nin noqonaayey ayaan u dhiibay si Dayuurad soo baxaysay loo soo saari lahaa, waana la soo saaray 10 maalmoodna wey nagu soo gaadheen.
Waxyaabahaanu Hosbitaalka ka qabanay waxaa ka mid ahaa:
- Qasabadihii biyaha oo idil ayaanu beddellay, taankiga biyaha oo kayd ahna waanu dhisnay,
- Xadhkihii dabka oo dhanna waanu wada beddelnay, laba Generator oo waaweynna waanu u dalabnay,
- Drainage-kii (Bulaacadihii) Hosbitaalka oo wada xidhmayna waanu wada dhisnay,
- Xashiishkii Hosbitaalka dhexdiisa tuulaana waanu ka wada saarnay inkasta oo dhibaatooyinku badnaayeen,
- Shaqaalihi Hosbitaalka oo maalintii dhawr sacadood oo keliya shaqayn jiraybaan shiriyey sababaha ay shaqada uga tagaana waan weydiiyey. Sababtuna waxay noqotay musharka oo yar aawadeed. Waxaan weydiiyey intey doonayaan in loogu daro si aaney shaqadooda uga tegin. Lacagtii baanu cunto u badalay maadaama cunto badan aan ku hayey bakhaaro noo kireysna. Waxaan bilaabay inaan cunto ku filan qoysaska Hosbitaalka oo idil bishiiba aan u dhigo meelahay ka shaqeeyan si aan cidkale u ogaan”
DR RUPERT NEUDECK wuxuu soo raray 1500 oo tan oo qalabkii dhakhtarka iyo xerooyinka qaxoontigaa.
C/kariin Aw Raalina wuxuu sii abaabulay dadkii deganaa magaalada Hargaysa si ay uga qaybqaataan nadaafada dhakhtarka weyn. Waxa abaabulkaa kala qaybqaatay Alle hawnaxariistee Suldaan Xasan Barre Warsame oo aad u kala yaqaanay magaalada waxaana isku yimi oo ka qaybqaatay nadaafadii dhakhtarka dad badan oo dhalinyaro iyo waayeeelba leh halkaasna waxa ka bilaabmay URURKII UFO, dadkaa waxa uu aad u xusaa C/karim Aw Raali AHN XAAJI MAXAMED ABU SITTE IYO XAAJI CALI BAANIYAAL oo dhisay qaybta bukaan socodka lagu baadho. SIdoo kale waxay iibiyeen qalabkii iyo gaadiidkii lagu nadiifinayay dhakhtarka, halka C/karim Aw Raali_ na ku daray dhakhtarka qaybta daawooyinka. Waxa kale oo isla markaa ay dhistay Haayadaas G E D ee ay wadeen Dr RUPERT NEUDECK iyo C/KARIIN AW RAALI HARGEISA NURSING SCHOOL. Hawlahaa samafal iyo qaar kaleba markii ay qabteen C/kariim Aw Raali iyo DR RUPERT dawladdii Somalia oo markii hore ka shakidayna aragtay siday wax u wadaan waxay siisay shahaado sharaftii ugu saraysay ee ay bixiso Somalia oo ay haysteen Maxamed Siyaad Barre iyo Cali Samatar oo qudhi (THE SOMALI STAR).
Intaa kadib dawladdii Somalia waxa ku bilaabmay jabhado ay ka mid ahayd SNM, c/kariin Aw Raali_na waxa soo food saaray cadaadis, xadhig iyo dhib badan oo kaga imanaysay dawladdii somalia. Kadib waxa uu u baydhay xaga ganacsiga, waxaanu sameeyay mashruucii waynaa ee WAXSOOSAARKABEERAHA ee tuulada CEEL_LA HELAY, shirkad cuntada fudud samaysa oo la odhan jiray HAMBURGER HOUSE oo ku taalay Xamar iyo shirkado kale oo dhisme, isagoo dhisay hangaradii waawaynaa ee duleedka Berbera ku yaalay kuwaas oo uu u dhisay hayada qaxoontiga ee UNHCR.
C/kariin Aw Raali markii ay jabhadii Xoraynta Ethiopia ee EPRDF dalka qabsatay wuxuu galay baarlamaankii u horeeyay ee sharci dajinta Ethiopia, kadibna waxa la doortay 3 jeer oo ka danbeeyay, sidaana waxa uu kaga mid noqday xildhibaanada heer fadaraal ee ugu waqtiga dheeraa Ethiopia. Sidoo kale waxa loo magacaabay SAFIIRKA JARMALKA EE ETHIOPIA balse xilkaa iyo qaar kale oo uu ka mid ahaa WASIIRKA KAHORTAGA MASIIBOOYINKA ETHIOPIA waa uu ka cudur daartay.
Waxa kale oo uu mudadaa uu xildhibaanka ahaa sameeyay Haayadii HOPE FOR THE HON ee Ethiopia oo uu aas aaskeeda lahaa Agaasimana ka ahaa, iyadoo lagu xasuusto xilligaa 1. Dhismaha illaa 20 dhaam biyood oo uu ka sameeyay inta u dhaxaysa Jigjiga oo uu dhisay Dhaamka HARRE illaa degmada Gaashaamo.
2. Waxa kale oo lagu xasuustaa illaa 50 iskuul oo ay ka mid ahaayeen iskuulada BALI MAXAMED, ABOKOR, RABASO, DAROOR, GOOSAYGA, GAASHAAMO iyo meelo badan oo Degmooyinka GAASHAAMO iyo DAROOR ka tirsan.
3. Dhakhtaro uu dawada iyo qalabaynta ka taageeray iyo caawintii qaxoontiga Somalida ee Itoobiya ku sugnaa ayaan iyana la illaabi karin.
IMIKA IYO XAALKIISA,
C/kariin Aw Raali waa Aabo dhalay 2 caruura. Wuxuu guursaday 2 xaas.
Wuxuu Ku nooyahay caasimada Ethiopia ee Adis Ababa, 5/2/2020 iyo 6/2/2020 oo aan kula kulmay magaalo madaxda Dawlad Deegaanka Somalida ee Jigjiga wuxuu ii sheegay inuu dhawaan ka yimi magaalada Goday oo Jigjiga u jirta 600 Km una tagay mashaariic horumarineed oo beeraa, sidoo kale uu dooxada Faafan ka wado beero wax soo saar uu doonayana inuu tago.
Maraan wax ka waydiiyay waxyaalaha uu xiiseeyo ama uu jecelyahay inuu ka shaqeeyo intuu noolyahay wuxuu ii sheegay inuu jecelyahay ka shaqaynta arimaha bulshada sida CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA, BIYAHA iyo BEERAHA oo uu Awraali (AHN) ugu duceeyay.
Sidoo kale wuxuu ii sheegay inuu doonayo dib u furka Haayadii uu aas aasay ee HOPE FOR THE HONE si uu dadkiisa ugu adeego.
Sidoo kale C/kariin Aw Raali waa qof aad u jecel waxbarashada aadna uga caawiya dhalinyarada xaga waxbarashada iyadoo illaa iyo markuu jaamacadiisii labaad soo dhamaystay ka taageerayay dhalinyaro hawlaha waxbarasho.
ALLAA MAHAD LEH.
W/Q/ Xasan Koosar Muxumed,
Follow the story
About this article
- Length
- 2,155 words · 11 min read
- Published
- October 3, 2026
- Byline
- Qaran News
- Source
- Qarannews