Pakistan oo dhawaaqday magdhowga badmaaxiin looga dilay Somalia.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa ku dhawaaqay in qoys kasta oo ka mid ah saddexda muwaadin Pakistani ah ee lagu dilay hawlgal lagu soo badbaadinayay markab laga afduubtay xeebaha Soomaaliya la siin doono 12.5 milyan oo rupees Pakistani ah.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ballanqaaday in carruurta saddexda marxuum ay heli doonaan waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah, iyadoo qoys kasta sidoo kale loo dhisi doono guri.
Shehbaz Sharif ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Azhan Kashif, oo ah wiilka muwaadinka Pakistani ah Syed Kashif Umar, isaga oo u muujiyay tacsi iyo murugo ku aaddan geerida aabbihii.
Saddexda Pakistani ee kala ahaa Syed Kashif Umar, Mahmood Ahmed Ansari iyo Rafiullah Khan ayaa ku dhintay hawlgal lagu soo badbaadinayay markab laga afduubtay xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan iyo Safaaradda Pakistan ee Soomaaliya inay xiriir joogto ah la yeeshaan dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee ay khusayso, si loo dedejiyo dib loogu celiyo meydadka muwaadiniinta dhintay.
Waxa kale oo uu faray in muwaadiniinta Pakistan ee ku dhaawacmay dhacdada la siiyo daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan, halka dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay laga qaadayo sidii si ammaan ah loogu soo celin lahaa xubnaha kale ee Pakistani ah ee weli ku sugan markabka.
Follow the story
About this article
- Length
- 220 words · 1 min read
- Published
- October 3, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir