Milatariga Soomaaliya oo howlgalo ka wada deegaanada u dhexeeya Bay iyo Sh/ Hoose.
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa lagu fashiliyey qorshe ay Al-Shabaab doonayeen inay miinooyin ku aasaan waddooyinka ay isticmaalaan shacabka, gaar ahaan waddada isku xirta gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay. Ciidamada ayaa...
AI summary
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa lagu fashiliyey qorshe ay Al-Shabaab doonayeen inay miinooyin ku aasaan waddooyinka ay isticmaalaan shacabka, gaar ahaan waddada isku xirta gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay xubno lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen shabakad ku howlanayd diyaarinta iyo abaabulka qaraxyada, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka iyo dadka isticmaala waddooyinka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada lagu sugayo amniga waddooyinka iyo deegaanada, iyo kuwa lagu beegsanayo shabakadaha Al-Shabaab.
Follow the story
About this article
- Length
- 102 words · 1 min read
- Published
- September 17, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir